Waa Noocma Xil-moogayaasha Baarlamaanka Shariif Iyo Magafayaashiisa Ay Soo Xuleen?

1
58

shariif sakiinWaxaa ay Soomaali tiraahda Soomaali been wey sheegta laakiin kuma maahmaahdo tusaale ahaan: Hal Xaraan Ah Nirig Xalaal Ah Ma Dhasho sidoo kale cudur la filaayay dhibaato malahan.

Hadaba maanta oo bishu 8/12/15 ahayd kadib markuu Shariif bandheyey turubkii Itoobiya u haysey waxaa uu maanta 98% dhaariyey kuwo aanan waxqorin waxna akhrinin ee uu ku soo xushey karateriyada aqoon halka uu ka joogo.

Hadaba akhristow 89-ka xubnood uu maanta soo magacabey Shariif Sakiin waxaa ku jiira Afar Xubnood oo ay wada ildufeen isaga iyo kuwa u adeega mana rabno inaan magacooda xusno waayo waxaa macquul ah Shariif Xasan hebel dareen iyo Aqoon buu leeyahay waa u cadow.

Hadaba haddii uu dhanka dadka mudan usoo xulan lahaa maxaa dhib ah ku imanaya ayaad is dhihi lahayd ?
Xaqiiqdii dadka Ilaahay ku maneystey Aqoonta iyo Aragtida fog waxaad ogaataan inaanay ahayn qaswadayaal ee nidaamka bilowga ah si qaldanba haku yimaade iney ku heshiineynin in wax la baabiyo laakiin badankoodu ay ku heshinayaan haba qaab darnaate sideen ku toosinaa oo caruurteenu marjac ugu heleynaa waa xaqiiqda dhabta ah.
Lakiin ma Danaysta aan xishoon Jahliga kusoo xushey waxaa jirta qaacido dhab ah inta wax og Alle barey ee oranaysa Jahliga waxaa uu cadowsadaa wuxuusan aqoon u lahayn ,wuuna hareeraya ugu danbeyna jahliga ayaa ka taqlusaya (dilaya).

Hadaba hadaan usoo laabano Baarlaamaanka 151-ga xubnood ka kooban ee uu samaystey shaqsiga wanaaga u saaxibka ahayn waa Shariif Sakiin waxaa ku qasbey in maanta soo bandhigo dhaar aan qofkeedi loo helin isagoo shirkii ugu danbeyey ee Hiigsiga beesha caalamka u sheegtey inuusan kasoo qayb gali doonin shirarka maamul goboledyada ilaa baarlamaan iska la xisabtama la hello.

Hadaba kulankii Muqdisho maanta ka dhacayay darteeda ayuu Baarlamaan Jarro dheesho u badan u soo xuley, waxaa intaasi ka yaab badan in haddii koramka baarlamaanka buuxsamo isla waqtigaasi Gudoomiye kumeelgaar oo dhinac da”da ah u sameysto, hadaba arinkaasi ma dhicin waxaana tilmaan cad u tahay inuusan wax kaamil ah oo tallo bixin karaba uusan samayn laakiin magacaasi uu sheegto keliya.

Waxaa intaasi ka yaab badan oo maanta goobta Shariifayaalka lagu dhaarinayay ka hadley Malaaqayaashiisa Magafayaasha ahaa dhamaantoodana waxaa ay shegeen in Baarlamaankani qofkii mooshin keena ay xubinimadiisa ka qadayaan oo bedelkiisa diyaar u yahay haday doonaan 50 qof ha gareen,waxayna u dalishadeen dastuur shaydaan laga soo minguuriyey oo ah waxaanu nahay Golaha Odayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynahaba soo doortey waxaanu idin nahay marjaca ugu danbeeya ee Koofur Galbeed ka tarjumi kara.

Hadaba Ardey tababar Macalimiin u furaysaa haddii Baarlamaankii Sharci dejiye ahaa la leeyahay Xisaabtan iyo Mooshin xilkaad ku weyndoontaan !!!!!!!!!!!!>

Ugu danbeyn waxaa hubanti ah Shariifka Sedax horey u liqey in DigilMirifle Degmada Baydhaba keliya usoo hari doonto bilo dhow gudaheeda taasina waa horumarka uu Hiigsanaya Shariif Biibaye.

shariif sakiin

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Waxaan u baahanahay liiska magacyda iyo beelaha uu ku soo xushey oo far waaweyn ku qoran

Comments are closed.