Qarax Maanta Lagu Qaarijiyey Ingineer U Shaqeyn Jirey Dowlada Federalka

0
25

marka 5Injineer u shaqeynayay Dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa, Waxaana Qaraxan lagu dilay Injineerku uu ka dhacay albaabka gurigiisa oo ku yaalla Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab, Axmed Cismaan Dhoorre oo Warbaahinta kula hadlay halka uu Qaraxan ka dhacay ayaa sheegay in Injineerka la dilay lagu magacaabi jiray Siidoow uuna howlo badan ka qabtay Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in baaritaanno lagu baadi-goobayo ciddii mas’uulka ka ahayd weerarkan ay socdaan, isagoo Mas’uuliyada Qaraxan dusha uga tuuray Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo dhibaatooyin ku haya Shacabka.

Goob-jooge ku sugan halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa isagana Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid ku xiran gaariga, isagoo intaas ku daray inuu Arkay maydka hal qof iyo dhaawac mid kale oo rayid ah.