Xoogaga Alshabab oo Maanta Madaafiic Ku Garaacey Meelo Ay Ku Tuhmayeen In Ciidamada Amisom Ku Sugan Yihiin

0
87

Xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa madaafiic culus Saakay isku Weydaarsaday duleedka deegaankaas, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada DF Somalia ee ku sugan Leego.

Duqeymahan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay Weerar Madaafiic ah ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka, kaasoo ay horay u weerareen. Inkastoo aan lasoo sheegin khasaare ka dhashay duqeynta.

Sarkaal ka tisran kuwa dowladda Somalia ee ku sugan Leego ayaa Warbaahinta u sheegay in muddo saacado ah ay socotay duqeyntan, isagoo xusay in mid ka mid ah madaafiicdii ay Al-shabaab ku weerartay saldhigga AMISOM gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in madaafiicda ay soo tuureen Al-shabaab ay intooda badan ku dhaceen meelo cidlo ah, sidoo kalena shacabkii halkaas ku noolaa ay deegaanka Leego soo galeen markii ay madaafiicdu billaabatay.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka Hadlin Duqeynta la Sheegay inay Saakay ku Qaadeen Saldhigga AMISOM ee Leego, kaasoo ay Horay ay Weerar khasaare badan Geystay ugu qadeen bishii lasoo dhaafay.