Xisbiyada Siyaasada Somaliya

0
233

somaliaSomaliya waa wadan aan qaangaar ahayn siyaasad iyo dhaqaale ahaan waxaana taas daliil u ah isqabqabsiga siyaasadeed ee joogtada ah ee dalka ka taagan, waxaana xusud mudan in aan isweydiino ururada/xisbiyada dalka ka jiray sida ay ahaan jireen?

Taariikhda dhaw ee halgamadii siyaasiga ee  dalka soo maray, waxa ay ku dhisnaayeen qaab qabiil ah oo huwan magac urur ama xisbi gaar ahaan jabhadihi dalka soo maray iyo xisbiyadi 1960dii, waxaana suurto gal ahayn in xisbiyada iyo ururada dalka ka jiray ka fogaayeen qaabka qabiilka, xisbiyada dalka ka jira ama ka abuurmaayo waxa qasab ah in ay saameyn badan ku yeeshaan nidaamka qabaliga ah ee dalka hada ku jira sida qaabka 4.5 ee baarlamaanka iyo dowladaba lagu saleeyay.

Sida ka muuqata dhaqanka iyo taariikhda siyaasadeedka dalka leeyahay xisbiyada waxa ay noqon doonaan kuwo isu tagay oo isbahaysiyo ah maadama ay aad u adag tahay in hal xisbi isu keeno dad badan oo qabiilo kala duwan ka yimid, hadaba maxaa nala guboon siyaasad ahaan? iyo qaabkee u sameynaa xisbi/urur? weliba farsamadee isticmaalnaa oo aan isbahaysi siyaasadeed u abuurnaa?

Siyaasadaha aduunka oo dhan waxa ay ka abuurantaa dhaqanka, caadoyinka, dhaqaalaha  iyo diimaha ay dadka leeyihiin sidaas darteed anagoo ka qiyaas qaadanayno dhaqanka Somalida waa in aanan ka filan wax ka baxsan caadooyinkooda iyo waxa ay aaminsan yihiin,  sida ku cad dhaqan soomaaliga waxa aad u adag in hal xisbi laga aqbalo ama ka dhaqan galo wadanka badankiisa, waxaana filaynaa in xisbi walbo lagu qiimayn doono hadba qofka hogaamiyo qabiilkiisa waxaana adkaan doonto in laga aqbalo deegaanada kale oo ay degen yihiin qabiilada kale taas macnaheedu waa in xisbi kasta ku ekaan doono qabiil deegaan gaar ah degen.

Sidaas darteed masiirka siyaasada Soomaaliya waxaa hagi doona isbahaysiyo ka kooban xisbiyo qabiileed matala beelaha Soomaliyeed marka laga fiiriyo is,aamin darada iyo ismatalid la,aanta dadka ka dhaxaysa, waxaana daliil u ah in umadan is matalin kari markasta oo loo baahdo in Somaliya shir siyaasi ah loo qabto waxaa qasab ah i la casuumo ugu yaraan 800 qabiil oo gooni u taagan, bal ka feker isu keenida 800 qabiil dhibaatada loo marayo? waxaan ku soo gunaanad aragtidayna sidan, qofka kasta oo somali ah waxa uu ka mid yahay qabiil, qabiilkastana waxa uu ka mid yahay ISBAHAYSI bal aan u fekerno si isbahaysi loo sameeyo iyo sida ay u samaysmaan.

 SOOMAALIYA WAA QABIILO ISBAHAYSTAY OO MEEL WADA DEGAN,

waxa aan wax ku miisaanay xaalada siyaasiga ah ee dalka hada jirta iyo sida la isu yahay.

Isbahaysi

isbahaysiga waxa uu ka kooban yahay ururo siyaasi ah oo ka yimid dhamaan soomaliya, inta aanan loo gudbin dhisida isbahaysiga waa in urur walba u dhamaystiran yahay  tiirarka ururnimo welibana diyaa u yahay ka mid noqoshada isbahaysiga, isbahaysiga waxa loo dhisayaa sida shirkad ganacsi oo kale wxaana uu ka kooban yahay, aasaasayaashaa, iyo howl-wadeenada.

qofwalba waxaa loo qiimayn doonaa wixi uu ku siyaadiyo ama darsado isbahaysiga inta ay la egyihiin culeyskooda, mudnaanta waxaa iska leh qofki wax ku darsada dad iyo maalba, sida lagu qeexi doono xeerka isbahaysiga sida ay noqon doonaan, waajibaadka, xuquuqda, iyo anshaxaba.

shuruudaha laga rabo aasaaseyaasha isbahaysiga marka ay buuxiyaan ka dib ayeey xuquuq siyaasi yeeelan doonaan, shuruudaha looga baahan yahay aasaaseyaasha isbahaysiga waa in uu u dhigmaa qof urur leh.

Tusaale:

  1. waa in uu yahay qof ka mid ah dad ku nool deegaan xaq u lahaan karo ugu yaraan hal xildhibaan (waa in ugu yaraan deegaan ay ku nooshahay 50,000 qof)
  2. waa in uu heli karaa ugu yaraan 200 qoys ama 500 qof oo qaan gaar ah ka heli karaa deegaanka uu matalayo.
  3. waa in uu awoodi karaa in uu xafiis ka furan karo deegankiisa.
  4. waa in uu diyaar u yahay ka qayb galka bixinta lacagta diiwaan gelinta ee laga rabo isbahaysiyada la diiwan gelinayo wixi kusoo aado.
  5. waa in uu iska bixiyaa lacagaha ku baxa xafiiskiisa gaar ah iyo lacagaha ku baxayo ole olaha xiliga doorashadiisa iyo lacagaha qaaranka isbahaysiga ku soo qoro (waa in markasta la qeexaan qarashka ku baxa xafiiska dhexe ee isbahaysiga weliba dhamaan golaha dhexe laga talo geliyaa inta aanan qarash la qqraamin)
  6. waa in uu diyaar u yahay in la dooran karo waxna uu dooran karo.
  7. waa in uu wax ka qoraa, saxiixaa una hogaansamaa xeerarka isbahaysiga. (xeerarka isbahaysiga waxaa ay noqonayaan xerarka ay wada saxiixaan aasaaseyaasha isbhaysiga)

intaan oo shuruud ah marka uu soo buuxiyo waxa uu xaq u yeelanaya arrimaha hoos ku qoran.

  1. waxa uu noqonayaa xubin joogta ee ka mid ah golaha dhexe isbahaysiga
  2. waxaa uu xaq u yeelanayaa in asaga oo kaliya go,aan ka gaaro cida u tartameysa deegaan uu kasoo jeeda.
  3. waxa uu xaq u yeelanayaa in uu ka qayb galo dejinta iyo diyaarinta xeerarka iyo istarateejiyada isbahaysiga inta aanan golaha la hor geynin.
  4. waxa uu xaq u yeelanayaa in uu isu sharxo dhamaan xilalka dowliga ee la isu doorto ama la,isu magacaabo.
  5. waxa uu xaq u yeelana in uu soo gudbiyo qofka uu doono in uu noqdo musharax dhamaan xilalka dowliga ee la isu doorto ama la,isu magacaabo.
  6. waxa uu xaq u yeelanayaa in uu ka qayb galo cod bixinta kasta ee lagu dooranayo musharax ama magaabis.
  7. waxa uu xaq u yeelanayaa in uu soo gubiyo codsade doonaya in uu ka qayb galo isbhaysiga (waa in markasta lasoo buuxiyaa shuruudaha ka mid noqoshada isbahaysiga)
  8. waxa uu xaq u leeyahay in uu ka baxo isbahaysiga marka uu ogeysiiyo golaha dhexe bil kahor si qoraal ahna u faahfaahiyaa sababaha.

Si looga qayb galo hogaanka dalka waxaa qasab ah in lasoo galo baarlamaanka, weliba la,isu diyaariyaa tartanka siyaasada dowlada hoose iyo tartanka  siyaasadeedka dowlada dhexe, waana waajibka kowaad ee laga rabo siyaasiga damac ku jira.

 

laso qeybta danbe