Shacabkii Ka Barakacey Degmada Baardheere oo Bilaabey Iney Dib Ugu Laabtaan

0
19

bakoolDegmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo dhawaan ay Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM kala Wareegeen Xarakada Al-shabaab ayaa waxay shacabkii ka barakacay billaabeen inay dib ugu soo laabtaan.

Gudaha iyo Daafaha Degmada Baardheere ayaa waxaa Fariisimo ku leh Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya eek a tirsan AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia; kuwasaoo sugaya amniga degmadaas.

Sidoo kale, Shacabka ku nool degmada ayaa sheegay inay xaaladdu tahay mid wanaagsan, inkastoo ay wali ka maqan yihiin Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada, sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Meelaha Qaarkood ayaa Waxaa dib loo furay Ganacsiga, iyadoo Shacabku ay u sheegeen warbaahinta in shacabkii Magaalada ka barakacay ay weli intooda badan ka maqan yihiin Degmada.