Weriyeyaal Ku Dhintey Qaraxii Shaley oo Maanta lagu aasey Magalada Muqdisho

0
26

Waxaa maanta lagu Aasay Magaalada Muqdisho Allaha u naxariisteen laba Wariye oo bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ka mid ahaa, kuwaasoo ku dhintay Qaraxii shalay lala beegsaday Hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiintan ayaa kala ahaa; Marxuum Maxamed Cabdikariin Macallin oo u shaqeynayay Universal TV iyo C/xakiin Maxamed Cumar oo horay ugu shaqeynayay Idaacadda SBC.

Halka uu ku dhaawacmay Qaraxa Weriye Salmaan Saciid oo u shaqeynayay Telefishinka Universal, kaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim oo Aaska suxufiyiintan oo ka dhacay Qubuuraha dugsiga Tababarka Booliiska ee Jen. Kaahiye ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay falkaasi lagu dilay mid arxan-darro ah, isagoo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu baaay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.