Shariif Xasan oo Mooryaan Cali Nuur u Magacaabey Gudomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose

13
32

Warar lagu kalsoon yahay oo aynu kasoo xiganey ilmo ku dhow maamulka shariif xasan diideyna in magacooda lasoo xigto kuna kala sugan magalooyinka baydhabao baraawe iyo muqdisho ayaa waxaa ay ku waramayaan in gudoomiyihii gobolka shabeelaha hoose cabdulkhadir maxamed nuur siidii xilkii laga xayuubiyey isagoo dalka dibadiisa ku maqan isla markaana loo magacaabey xilkaas inuu buuxiyo Cali Nuure Maxamed.

Masuulkan cusub oo buuxiyey booska gudoomiyhii hore ee gobolka shabeelaha hoose cabdulkhadir maxamed nuur siidi ayaanuu aheyn qof ku cusub saaxada siyaasadeed ee gobolka shabelaha hoose waxaa uu ka mid ahaa mooriyaantii uu hogaaminyaa burcad yusuf maxamed siyaad ondhacade kuwaasi oo gumaad aan loo kala harin ka geystey gobolka shabeelaha hoose waxaa kaloo uu ahaa xiriiriyihii Dooxatada Jubba oo uu hogaamin jireen Barre Hiiraale, Seeraar iyo Goobaanle.

Cali Nuure ayaa waxaa uu kasoo jeeda beesha hawiye habar gidir jufada cayr waxaana aad loogu xusustaa dhibaatooyinkii banaa ee uu u geystey dadka iyo duunyada ku dhaqan degmada baraawe;

Cali nuur maxamed waxaa kaloo aad loogu xasuustaa dhacdooyin kala gedisan oo isugu jirey dil dhac iyo kufsi oo ilaa iyo hada aan loo maxkamadeyn dadka degan degmada baraawe xiligii uu degmadaasi gacanta ku hayey moriyaan dhuxulow sidoo kale ayaa cali nuur waxaa uu ka mid ahaa maamulkii dhulboobka ku dhisnaa ee beelaha hawiye ee la magac baxay shabeelae state waxaana uu ka hayey xilka wasiiirka maliyada.

Si kastoo loo dhigaba magacaabista uu shariif xasan sameeyey ayaa waxaa ay u muuqataa inuu qeyb ka yahay gaboob salka shariif xasan iyo maamulkiisa ay ka wadaan gobolka shabeelaha hoose ayadoo dhanka kalana waxgaradka kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose ay indhaha ka eegayaan falalka guran ee maamulka shariif xasan uu ka wado degmooyinka kala gedisan ee gobolka shabeelaha hoose.

13 COMMENTS

  1. War umada somaliyeed &umada k/galbeed wax aad usheegeysaan iska hubiya oo iska cadiifada tirad a badan oo noqda cadaalad oo somali uhadla maantta somali uma baahna xafad &jifo&qabiil ee wexee ubaahantahay wax qabad wexee aad tirsaniysaan k/galbeed ka hor idin ilaawa ama aarsada ee calaacalka iska daaya umadana cadeefada ka daaya amiirkana adh eeca sedey terey aa yada qaraanka

  2. WARARKA SHABAKADA DAAFEED waan Ku faraxsanahay shabakada waan kaxumahay xaaladaha heesta dhulalka digil saga oo dhan Shariif mooryaan ayaa heesta iyo habiya waan kaxumahay .

  3. Cajiib waxaa yaab ah shariif hassan ujeedada uu habar gidir cayr waliba danta uu ka leeyahay wax anan maskaxda Qowmiyadaha shabelada hoose dega Anan Qadan karayn waaye shariif hassan uu ku mutaysanayo mucarad cussub iyo caro alle cajiib ma weli Qowmiyadaha dega shabeelada hoose wabigii shabeele biyihiisaa in laga Iibiyaa La Rabaa SUBHANA ALLAH

  4. Haddii ay Run Noqoto, Shariif Xasan Waqtigiisa ayaa Soo Yaraanaya, Hana Ogaado Beelaha Hawiye, wax Abaal ah in aysan Uga Hayn, Waa kuwo Iimaanka alla ka Qaaday.wax Deeqaayaa ayaa iska yar.

  5. Shariif sakiin si dee ayuu wax u wadaa ma qof digil ah miyuu waayay mise fidiraalka ayaa laga baaq day maxaa ja qu seeya habar gidir gudoomiye nimada sha beelaha hoose aaway dadka udhashay gobolka meey kahad laan hadeeysan kahadlin tän na oo si saa habar gidir kunaqato gudoomiye digilna waa udha maatay wax oow leeyahay aanba jirin gobolkana habar gidir ayaa lawareegi doonto lkn wxaan kuka talin lahaa wax garadka gobolka la soi jeeda inti goori goortahay iskä dhiciya shariif sakiin

  6. Aniga waxaan aaminsahay wararka lasoo sheegayk wey jiraan lkn waa labadali doonaa tan inaysan soconeynin dadka oo dhan wey ogsoonyihiin lkn waxaa larabaa intan dadka lagu mashquuliyo inta jagada laga eegayana meelkale uu kunaas nuujiyo wararka daafeed media na waan ku faraxsanahay waana soo dhoweynayaa

  7. Kk wilashi biimaal intey joogan ma u baaqayo ah/hoose wafoow ka shaqeena waxas haka baqiina digil iyo mirfle waa cabsadiin lkn biimaal so indha cad dhulka nh heesto

  8. ASC shariif waa nin xaasid ah gatay dhulka digil sumcadka kasameysanaayo arag daarood wey iska siiden dhulkooda Juba waxaa lasiiyay dhulka raxaweeyn sh,hose waa lagatay

  9. DADOOW BARASHO GEELOW RARASHOh hariif Digilhurdaayow wax arag, Shariif sikiin
    inta barasho ugu laabantahay hadda sii fiican u baro.

    Hadii xilka loo magacaabo kaabo mooryanka
    maxaa dhiman oo aad sugaysaan

    Laakin hal ku seexda Geesiyaasha Biimaal ayaa weli guntan oo diyaar u ah in ay difaacaan dadka reer sh.Hoose.

    Digil hurdada ka kaca oo is bahaysta walaalihiin Biimaal oo illaaheey geesi nimo u abuuray.

  10. Asc wr wb runtii shariif xasan maamulkaan uu hada sameeyey waxaa ka horeeyey maamulka uu ka sameeyey degmada afgoye balse waxaan leeyahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda shabeelaha hoose arintaan yaan laga aamusin hadal iyo mudaaharaadyo hala sameeyo bulshada ha kacdo waa gumeysi cusub yaana la ogolaanin arintaan

  11. ASC dadka reer digil malaha miyaa dad siyaasiyiin ah oo runta aan kabaqeen sakiin xalkeenimaayo dowladana wey la ogtahay iyadaana wadata siyaasadaas galmudug ilaa Kismaayo in lisku xero dhul hawiye noqdo ayaa larabaa marka Sharif sakiin waa in dadkaas sheegtay ilmana ka dhalay marka digil waad hurudaan biyamaal kaligiisa waxba matsraayo

Comments are closed.