Amisom iyo Ciidanka Dowlada oo Maanta La Wareegey Gacan ku Heynta Degmada Diinsoor

1
32

Ciidanka Xoogga Dowlada iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa Gudaha u galay goor dhow Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay isaga bexeen Al Shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegey in xaleyto ay isaga bexeen degmada Diinsoor, iyadoo ciidanka ay xalay ku hoydeen duleedka degmadaasi, iyagoo ku kallahay saakay aroortii hore, iyagoo aan la kulmin wax iska cabin ah oo kaga timid UGUS.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Somalia oo la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan degmada Diinsoor ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay galeen saaka degmadaas oo ka mid ahayd degmooyinkii ay Al-shabaab ka talinaysay.

Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneel Ismaaciil Khaliif Axmed oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si nabad ah ay ula wareegeen Degmada Diinsoor.

1 COMMENT

Comments are closed.