Daawo Kibaat Quraanka Kariimka oo Laga Heley Jaamacada Magaalada Birmingham

0
40

Jaamacada Magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa laga helay qoraal dhowr suuradood oo Quraanka Kariimka ah oo la sheegay in la qoray wakhti u dhaw ama xiligii uu noolaa Nebi Maxamed SCW.

Qoraalka Quraanka ayaa yaalay libary jaamacada Birmingham qeybta luuqadaha Carabiga ee bugaagta qadiimka iyadoo horey aan loo ogeyn in Qoraalka Suuradaha Quraanka inta sano uu jiray.

Mid kamid ah khubarada baarayey Quraanka ahaana arday jaamacadaasi ka diyaarinayey PHD ayaa sheegay in qoraalka uu yahay mid qadiim ah, taasi oo keentay in baaritaan dheer lagu sameeyo Quraankan lagu qoray Haraga.
Baaritaanka loo yaqaan Radiocarbon ee lagu eego inta uu jiro cimriga qoraalka ayaa ugu danbeyntii lagu ogaaday inuu jiro muddo 1,370 sano ah. Cilmi baaristaasi oo ay sameysay jaamacada Oxford University.

Suuradahan Quraanka ee gacanta lagu qoray ayaa lagu dul dhigay Haraga Riyaha ama idaha, wakhtiga la qorayna uu yahay xili aad ugu dhaw wakhtigii Nebi Maxamed SCW uu noolaa, sida ay sheegeen cilmi baarayaasha.