Alshabaab oo Xaley Weerar ku Qaadey Dhoobleey

0
22

dhooleeyXoogaga Al Shabaab, ayaa xalay waxay weerar saf ballaaran leh ay ku qaadeen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Dhoobley waxaa fariisimo ku leh Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa Kenya, ee Amisom ka tirsan.

Xoogaga Shabaab, ayaa laba jiho ka soo weeraray Degmada Dhoobley, iyagoona go’doomiyay Wadooyinka laga galo Degmadaasi, si ay kaga hortaggaan in loo soo gurmado Ciidamada Huwanta.

Dadka Deegaanka oo qaarkood bilaabay inay guryaha isaga cararaan, ayaa waxay soo sheegayan in hubka waaweyn leesku adeegsanaayo dagaalka culus, ee xilligaan ka soconaaya Degmadaasi.

Ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Degmada Dhoobley, ayaa waxay ridayeen hubka ridada dheer ee BM-ka, iyadoo jugtiisa si weyn looga maqlay Dhoobley iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.