Gudigii Loo Xilsaarey Iney Baaraan Dilkii Xildhibaan Yuusuf oo Warbixin Hordhac Ah Soo Saarey

1
47

Xeer-ilaaliyaha-Guud-ee-Qaranka-Axmed-Cali-DaahirGuddigii Xukuumadda federalka u xil saartay baaritaanka dilka Xildhibaan Yuusuf Dirir, ayaa soo saaray warbixin hordhac ah, xilli shalay oo Jimco aheyd lagu balansanaa inay soo bandhigaan Warbixin hordhac ah oo la xiriirta cida dilka geysatay iyo sababta dilka ka dambeysay.

Guddigaan ayaa waxaa hogaaminaayay Xeer ilaaliyaha guud Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana uu sheegay in baaris ay sameeyeen kadib ay heleen macluumaad ku saabsan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaanka.

Xeer ilaaliyaha oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Guddigooda qoryo gaaraya 7- qori lix ka mid ah ay yihiin Ak47 halka qoriga kalena uu yahay Daba jeex/BKM.

Wuxuu sheegay in kiiskaan ay u xiran yihiin 14-ruux oo ku xiran xarunat CID ee Magaalada Muqdisho, baaritaano dheeri ahna ay ku socdaan, maadaama Guddiga laga doonaayo inay keenaan Warbixino rasmi ah, halka warbixinta Guddiga ay soo gudbiyeen ay aheyd mid hor dhac ah.

1 COMMENT

Comments are closed.