Reysulwasaarada Dowlada Federalka oo Maanta Gaarey Cadaado

0
37

SharmarkeRa’iisal wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kol dhaweyd gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa markii ay gaareen Cadaado waxaa si diiran u soo dhaweeyay mas’uuliyiin badan oo wefdiga ku sugayay garoonka Cadaado iyo dadweynaha key nool halkaasi.

Ujeedada safarka  ra’iisal wasaaraha ayaa  waxaa ugu muhiimsan furitaanka wajiga labaad shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo wajigiisii koowaad la soo gabagabeeyay.

Cumar C/rashiid ayaa la filayaa inuu si gaar ah ula kulmo Waxgaradka mataleysa beelaha wada dega gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ku wada sugan madasha shirka.