Dhegeyso: Soo Xulitaanka Baarlamaanka Shariif Xasan oo La Isku Mari La,yahay

1
39

Malaq_derowWararka anu ka heleyno magalada baydhaba ayaa sheegaya in la isku mari la,yahay soo xulitaanka baarlamaanka uu yeelan doono maamulka shariif xasan.

Afhayeenka Odayaasha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hada uu socdo qorshe lagu soo xulayo xubnaha Baarlamaanka,islamarkaana Odayaasha ay wadaan qiimeyn ku aadan xubnaha loo xulanayo Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka hoose ayaa sheegaya in damaca uu shariif wado in odayaasha intooda badanay kasoo hor jeedaan kaasoo ah in beelo aan u dhalan deegaanka uu kusoo daro xubnaha baarlamaankiisa.

Odayaasha iyo shariifka ayaa intooda badan waxaa ay isku heystaan xubnaha baarlamaanka ee kasoo galaya gobolka shabeelaha hoose kaasoo uu shariif codsadey in beelaha hawiye laga siiyo 10 kursi hala labaatanka soo hareyna loogu tala galey iney qeybsadaan Digil iyo Biyamaal.

malaq deerow

1 COMMENT

  1. Shariif xassan 100 boqol waa gardarantahay. Kgalbeed dad baa dheeg u soo daadeyey ee arintaan qaldan aat waded jooji. Sii deg deg ah banaabax looga soo horjeedo shariif xassan halaqabto

Comments are closed.