Xildhibaan Maanta Kooxo Hubeysani Ay Ku Toogteen Wadada Maka Al Mukarama

0
36

dilXildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar Koox hubeysan ku qaadeen gaari uu la socday oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama.

Xildhibaankan iyo Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdalla Boos ayaa gaari la socday, xilliga la weerarayay, iyadoo Xildhibaan Cabdalla Boos uu ka bad baaday weerarkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaanka u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxo hubeysan.

Weerarkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo ka dhaca wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, waxaana la sheegay in dableydii hubeysneyd ee weerartay Xildhibaanka ay wadatay gaari ku buufsanaa astaanta Gaadiidka gurmadka deg dega ee Ambalaasta.