Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafuud ka Kala Socota Kenya iyo Itoobiya oo Gaarey Magalada Kismaanyo

1
40

xasan sheekhWufuud ay kala hoggaminayaan madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirrada arrimaha dibadda Kenya iyo Itoobiya ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh, Aamina Maxamed iyo Tedros Adhanom ayaa u tagay Kismaayo sidii ay uga qaybgeli lahaayeen caleemo-saarka guddoonka golaha baarlamaanka maamulka maamulka Axmed Madoobe ee dhawaan la dhisay.

Wufuuddan kala duwan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas, Sheekh Axmed Madoobe.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay; iyadoo lagu soo rogay xayiraad qaar ka mid ah dhaqdhaqaqqyadii waddooyinka gudaha Kismaayo mara, halkasoo lagu arkayo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa maamulka iyo AMISOM.

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Lan eebahay in gargaari geesi lesheegey,surqo iyo gasaara,ani gaal mamaalow,galey mataabow,guguun gushey ani daley horeeyee,ani doo madheegaaw,dabin miin dhowaadow,dalley horeeyee”ay dhiig leh dal iyo dad ku maqan”

Comments are closed.