Ciidamada Milateriga Dalka Neyjeeriya oo Sheegey Iney kasoo badbaadiyeen Booko Haram In Ka Badan 200 Gabdhood

0
47

boko haramCiidamada millateriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen in kabadan 200 oo gabdhood iyo 93 dumar ah, kuwaasoo lagu haystay deegaanno ku yaalla gobollad Waqooyi-bari Nigeria.

Sidoo kale, millateriga Nigeria ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin in ka mid yihiin kuwan gabadhihii 200 ka badbaa ee sannadkii hore laga afduubay deegaanka Chibok, kuwaasoo dadaal badan loo galay sidii lagu soo bad-baadin, balse lagu guuleysan waayay.

Haweenkan laga soo badbaadshay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Xaraam ee dagallada ka wadda dalka Nigiera iyo kuwa dariska la ah.

Millateriga ayaa tilmaamay in la baarayo gabdhaha iyo haweenka la bad-baadiyay, iyagoo xusay inay ogaanayaan aqoonsiyadooda. Waxayna si cad u sheegayaan baaritaanka kaddib in kuwani ay ku jiraan gabdhihii iskuulleyda ahaa ee laga afduubay Chibok iyo in kale.