Guuxa Dadweynaha”Kuwii Bixiyay dhulkeenaa maanta soo celinaaya Mas’alo weeye aanan maqal”.

5
56

juuTanina waa talaabo kale oo ka mid ah talaabooyinkii Indhasarcaadka ku dhisnaa ee maamulka Shariif Xasan uu ku dumiyay maamulkii ay Shacabka KoonfurGalbeed gacantooda ku dhisteen isla mar ahaana uu dhulkoodii ugu Hibeeyay kooxaha duulaanka isagoo taana ku raadinayay damiciisa waalida xunbaarsan ee ku qotomay mar uun madaxweyne halay dhaho.

Hadaba waa taa maanta ay taageerayaashiisu ugu yeerayaan madaxweyne waxayna ka sugayaan inuu uga dhabeeyo balamadii uu lagalay iyo fulintooda,wakhtiguna waa uu isgurayaa siyaasaduna waa ay isrogrogaysaa ee wax kaleba hadanbeeyee aaway Xaqii ummaddu ku lahayd sedexdii gobol ee aad u hibaysay maamulka Axmed Madoobe si luguu yiraahdo madaxweynaha KoonfurGalbeed mise wax intaa dhaafsiisan oo Siyaasadeed ayaa jira?.

Shalay ayay ahayd kolkii lagaaga digayay dadka aad wax lawadaagayso oo aad balamada la galayso maantaynu markale kaaga digaynaa si beri loo badbaado balse “Nimay meeli u cadahay meeli ka madoobe”Horta yaa nagu saladay Saladkaan?!.ayay mar kaliya isweydiiyeen dad aad moodo inay weli kala garan halka Oorta Shariifka rarkeeda lagu furayo.
Guud ahaan Ummadda KoonfurGalbeed gaar ahaan Digil iyo Mirifluhu sida ummaddaha kale ayay dhankoodana leeyihiin mucaarad iyo muxaafad balse waxaa yaab leh in muxaafadka Digil iyo Mirifle uu been ku afuufo shacabka shacabkuna aan weligii u sheegin maamulka beenta uu u sheego iyo balan ka baxa badan ee uu sameeyay halka mucaaradkuna ay marwalba Afka xirtaan indhahana ka daawadaan khaladaadka dhacaya iyo beenta ummadda loo sheegaayo intuba mararka qaarna waxaadba dareemaysaa in Mucaaradka Digil iyo Mirifle aanu xilba kasaarnayn Ummaddiisa.

Xuquuqda aynu ku leenahay gobolada Juba iyo Gedo waa aynu ka helaynaa oo cid aan uga haybaysanayno ma jirto sow tii uu lahaa Shariif Sakiin una lahaa taageerayaashu balse waa iga su’aale maanta maxay Axmed Madoobe u xagxaganayaa? Shariifkoodii balanta u qaadaybaa joogee may weydiiyaan mise dadku waa kuwo xasuustii gabay sidii Umul,Sow kii lahaa ma ahan dhulka iyo dadkiisa waa la yaqaanaa oo inagaa naloogu yimid maanta in ka badan kala bar Ummaddeena Digil iyo Mirifle ayaa degan ee suga baarlamaanka ayaad ka arki doontaa sow tii uu lahaa ma ahan Sakiin,Heshiis baan soo galnay Axmed Madoobe xaqeena waan ka helaynaa sow tii uu samirka bulshada uga dhigayay ee”Nin Aweesa koriyow Adigaa u aayee Axdi ma laha Xaaraantu lagu aamino…Ergo iyo Hadaan maanta dirsado Odayaal Arligaygan maqan Ergo laygu siin…Aaladaydan Xooga leh ayaa ku aarasan maanta”Hadii uu shacabku dhihi lahaana maanta majoogto Aalad xoog leh oo ummadda xaqeeda usoo dhicisa ee Beenta iyo Maaweelada Sakiin ilaa iyo goorma ayaad Shacabyahow ku maaweelan doontaan?.

In dhulkaaga dushiisa laguugu maamulo,Laguugu quursado,Laguugu dulmo ma qabo inay tahay nolol ee Shacabyahow nolosha lagu duugay sow tan maanta ku haysata ma ahan midii Geeridu dhaantay oo waa yaabe yaad ka sugaysaan inuu dhulkiina idiin soo dhiciyo ma kuwii shalaydan dhow bixiyay dhulkiina idinkoo soo taagan oo lahaa Malaaqyo,Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Madax?!

Sakiin iyo Maamulkiisa kolka laga reebo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Digil iyo Mirifle ayaan kala hadalnay waxa uu nagu sameeyay Axmed Madoobe,Axmed Madoobe ayaanba telefoon kaga wada hadalnay arimaha taagan, Shirka Garowe ayaan ku balanay oo Madaxweyne Gaas ayaan ku dacweyn doonaa hadii uu ALLAH idmo Axmed Madoobe,Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaan markhaati gashan doonaa markan bal ila fiiriya waxa kasoo baxa shirka Garowe in ummadda markale lagu Indhasarcaadiyo iyaguna ay Rumaystaan waa ayaan daro kale oo ummadaysda haysata.

“Nin Qorax kuugu dilay Hoos kuuma jiido”Axmed Madoobe iyo Beeshiisa in Baarlamaan loo sameeyay Labo Juba iyo Gedo inay ka qaataan 63% Inta soo hartay oo ah 37% na ay u soo tuuraan dadka deegaanka oo leh dhamaan beelaha Soomaaliyeed waa arin uu sameeyay Shariif Sakiin halka Digil iyo Miriflaha uu Xaqooda hadiyadeeyayna maanta ay ka joogaan Baarlamaanka Axmed Madoobe 13% oo kaliya…Yaabayee dadkii inay yihiin in kabadan kala bar uu Shariif Sakiin Shalay sheegaayay aaway maanta…Mise jiirooni cusub iyo Riwaayad hor leh ayuu inoo soo wadaa Shariif Xasan?

Ma filaayo been intaan ka badan in shacabka loo sii sheegi karo balse waxaa hubaal ah in Dulaalada Shariif Xasan aan ka daali doonin inay sii wadaan beentooda ilaa laga gaarayo xiliga ay sugayaan oo ah kan ay u dhaqaaqi doonaan Dawarsiga.
Waxaan calanka KoonfurGalbeed ka taagnay deegaanka Jasiira waa kaas oo inagii gaynay ciidan ka socda KoonfurGalbeed oo weliba Canshuur qaadis ayaan bilownay ayuu ku dooday taageere Maskax-jiilaaleed wata intaan cidkaleba lagaarin ayuu isweydiiyay sida uu ku yimid Xamar….Haa horta Aniga maxaan u soo raacay Diyaarad oo aan baabuur u soo raaci waayay ileen Xamar iyo Baydhabo safar dheerba ma ahee? Waxaana ka dhexguuxayay Isbaaro…Isbaaro…Isbaaroolay aan maamulka Shariif waxba ka qaban oo wadada daadsan!

Isagii oo isu jawaabay ayaa waxa uu garawsaday inuu Shariif Sakiin uu Ummadda been ma ahee aanu run maalina u sheegin una sheegi doonin.

Nin la yaabanaa hadalka ninkan kasoo yeeray iyo aamusnaantiisa xigtay ayaa yiri horta ma taqaanaa Jasiira ciidamaduse ma argtay mise waa kugu maqal? Dheegi Idaacaduba sheegti…May Idaacada been sheegaasee?.
Kow iyo Laba…kan mid soo dhowba ma ahan garashada xageeda maba ahee ma Shariifbaa inta uu tahliil u tufay cabsiiyay?

Imaqal oo si fiican ii dhugo Shariifna u sheeg Jasiira Eelaay imaan maydo,imaana ma karto canshuur ay nagaqaadana warkeeda iskala her eebow,Dowladii weyneedaa warkeeda meel ku xirnay ee war dhaleedka ka her nin umboo weynaad tahaye ayuu jawaab uga dhigay.

Waa beenkale oo Baydhabo taal ummadda loogu sheekeeyay waxa ruuxan Maskax-jiilaalku qabay dadka la hortagay balse run waa ma huraan ee maleeshiyadii Daa’uud oo tuutaha loo galshay kadibna layiri Leeja ka qaata halkaan oo Jaziira ah in ummaddeena loogu sheekeeyo waxaan jirin waa midkale oo ayan ummadeydu mudnayn balse beena hawaas xishood malaga filaa?.

Makoobi karo beenta uu Shariif la tagay Baraawaa yirina Deked iyo Garoon ayaan idiin dhisaa oo caasimada KoonfurGalbeed ayaan ka dhigaa halkan nus milyan ruux ayaa ka shaqaysandoonta cid danbe oo bada malaay ka jilaaban doonta ama beer fali doonta ma jiri doonto dadka oo dhan Shaqaale dawlo iyo Ganacsato ayay noqon doonaan!
Waa yaabe yaarumaysan kara warkaas yaana dad hortooda ka jeedin kara isagoo og inuu been sheegaaya oo aan Shariif Sakiin ahayn ee reer Baraawoow khiyaarkiin!

Intaas iyo ka badan been meelwalba taal Bakool waan wada xoraynaynaa,magaalooyinka kala xiran waan isku furaynaa dadka waxaan gaarsiinaynaa deeqaha loogu deeqay awalaa la yiri”Nin baahan ku kale wax looguma dhiibo” ee Maangyafuulka oo adan gudbi karin ilaa aad Shabaab salaanto ka hadalkaaga Bakool Shariifoow sow ma ahan”Tiisa daneeyaa tu kale ku dara”oo ma waanay haboonayn Baydhaba meelkasta loogaga hareeraysan yahay inaad albaab ka furato.

War iyo Dhamaantii Ummad yahay hadaadan tashan oo aadan isku tashan islana tashan xuquuq aad heshaan daayoo jiritaankiinaa dood gali doona sida shacab badan oo ka mid ah shucuubta caalamka iyo weliba kuwa geeska maantaba nagula nool.

Hana sugina oo haka sugina in Kuwii Baylixiyay dhulkiina misna bixiyay inay maanta Soo celiyaan!!!

 

Waxaa Qoray: Abdiaziz ShSalah.

Lasoco Talaada kasta.

5 COMMENTS

  1. abdi aziiz walaal waa ku salaamey salaan kadib waxan kuu sheegayaa ma xumid sida aad wax u dhaliilsantahay lakiin mucaaradka aad ku tahay madaxweyne shariif sh xasan waxaa ku haboon in aad wax fahamsiisu madaxweynahaagii oo aad aqoontadii ku biiriso teeda kale aniga mar hore qoraal ayaan kuu soo qorey oo aaan kaaga jawaabaayo 6gobal walaal aniaga hadaan nahay dad digil hadaan kuu cadeeyo waxa aan ahy digil hadaba masalaxada aan hada ka leenahay msar shariif waxay atahya isga ayaa ka gadmaayo siyaasada hada socoto hawiye iyo daaroodba tana gobalada aad rabto in al isku xiro weli way dhimantahay anga meesha aan ka hadleyno waa afrika afrikana sida yurub oo kale maahan oo qoraal dad celinaayo manihin waxa maanta la qorayo beri waan iska bedeli karnaa 6gobal oo nafiifsan in aan helno ayaa laga yaabaa laakiin hada maya mala heli karo waayo dhulka wali waa uu abuuran yahay waxa ka soo dhalanayo marka aan ka sadexda gobalkadibna aan u xuub siibano 6gobal lakiin hada dadk welwelka aad gelineyso ka jooji sida gobaladaan xasilooni looga hele dadka soo duuleyna ay u quus qaataan iniga arintaasi ayaan qabaa wabilahi towfiiq

  2. Asc salan kadib waad kumahadsantihiin baxda daafeet , alle waxan ka barinaa in uu idin barakeeyo sida wanaagsan ee aad uga qeybqaadaneysaan mideynta iyo soo cilenta xuquuqda beesheena digil iyo mirifle ay kuleedahay somalia, Runtii anigu waxan kamid ahay dhalinyarada(aqoonyahanada) DM kana soo jeeda degmada afgooye waxan aad ugu taxanahay daafeet.com marka shariif sakiin sedax gobal ayuu marhore gatay , sedaxda kalena hada ayuu gorgortin ugu jiraa waayo waxan ognahay in sedaxdii gobal ladhahay DM AYEY qaas u tahay oo hadana kusoo darsaday Hawiye iyo xaaraamin kale uu ku leyahay hawiye baa shabelaha hoose degta waxad lasoctaan in degmada afgooye lagu qabtay shir lagu sheegay in uu yahay dib u hashiisiin loo qabanayaa beelo walalo ah oo wada dega , bal ila fiirsha doqonnimada iyo dulmiga lawado , wlhi dhicimeyso in dhulkeena qolo mooryaan loo gacan galiyo , waryaa inaga banaadir 45% wan degnaa marka caaway xaqii aan kulaheyn , markaasu sedaxdii kaliye ino soo hartay uu qabiilo kale u xalaaleynaayo , bal fiiri hawiye 6 gobal ayu heystaa daarodna waa lamid marka inagana sedaxdii ayay nagu heystaan oo ay leyihiin inagaa idinla degno waa mooryaanti dharka maamulkíisa usoo galiyay una soo dhiibay calankii sedaxda gobal , waxaa nagu balan ah in aan difaacno dhulkeyga hadey noqon laheyd ( qalin , maskax, xabad, iyo maadi intuba) mana dhici doönta in hawiye loo gacan galiyo waadna mahadsantihiin walaalaheyga aan aadka u jecelahay(DM) cadowgiina ha dhaco calankiina ha dhisnaado .

  3. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Wadaniyiinta Digilmirifle hala yimaadaan tactic casri ah ee lagaga xoreyn karo isbaheysataan duulaanka ku qabsadey dhulkeena,waan hubaa dulmiga inuusan daa’im ahaaneyn,mar walibana uu sareynaayo xaqa.

  4. walaalayaal marka hore aan idinsheego sheekadaan iska dawa wareega ah waxaa la jaan qaadi kara in uu yahay shariif xasan inta kale doorkooda marka uu soo gaaro aan aragno sida ay yeeli lahayeen ee hada ku kalsoonaada wixii uu idin keeno shariif xasan hadii aad heysaan wax shariif ka fiican keena looma baahana hadal waxaa loo baahan yahay ficil oo dadka la isga dhicin karo siyaasdaan weli way qasan tahay sifeen ayey rabtaa suga wakhtigiina inta qof weliba uu ka quusanaayo oo uu ka ogaanaayo dhulka uu joogo isga in aan udhalan kadib iyadoo xabadi aynu dhicin uu iska baxaayo aniga taasi ayaan idin sheegayaa suga shariif waxa uu nookeeno koley calaamad ayey noo tahay dad la aqoonsan dawlad ah ayaan nahay dhulka kaa maqanaa dadka hada leh marka ay soo gaarto doorkooda ha inoogu soo daraan shariif xasan tabartiisa waa sadexdaan gobal waaye idankaan idn sugeynaa sadexdaa faraheena ha kabixinina intii aan soo noqon indhacade iyo cirfo way ka tageen gobalka dadkaasi ayaad rabtaan in aad ku soo celisaan hadaadan raaci shariif xasan

  5. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    1-maxamed maxaa lagugu dara?2-gobolka shabeelaha hoose ama bay iyo bakool degmadee ka soo jeedaa?3-hada maxaa tahay?jawaabtaada ka dib waxaa lagu sheegi doonaa iney indha cade iyo cirfo hada in ay shabeelaha hoose ku sugan yihiin iyo in ay ka maqan yihiin?

Comments are closed.