Howlgalo Dad Badan Lagu Soo Qabqabtey oo Xaley ilaa iyo Smaanta ka socdey Ceelahsa Biyaha

0
60

celasha biyahaCiidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga xalay saqdii dhexe ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasoo illaa saakay waaberigii socday.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir u fulinayay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM, iyagoo baarayay guryaha deegaankaas ku yaalla, halkaas oo ay kala soo baxayeen dhallin-yarada ay ka shakiyaan oo tiradooda gaaraya in ka badan 208.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid ay ku baadi-goobayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu sheeggay inay ku dhuumanayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ugu dambeyn, howlgalkan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa oo laga sameeyo Ceelasha Biyaha tan iyo intii ay shacabku ay dib ugu laabteen; waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay saameyn ku yeesheen howlgallada.