Kalfadhigii Lixaad ee Baarlamaanka Dowlada Federalka Soomaaliya oo Lagu Wado Inuu Maanta Furmo

0
21

xildhiiMaanta oo Isniin aha ayaa lagu wadaa in kal-fadhigii 6-aad ee baarlamaanka dowlada federalka Soomaaliya in uu furmo, iyadoo ammaanka inta badan magaalada Muqdisho la adkeeyay, gaar ahaan waddooyinka ku dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa kal-fadhigan furi doona, iyadoo horay guddiga joogtada ee baarlamaanka ay ugu dhawaaqay in 27-ka bishan oo maanta ku beegan ay kulamadu furi doonaan.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu furitaanka kal-fadhigan ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saaray xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay xilligan, gaar ahaan ammaanka, howlaha horyaalla dowladda iyo Hiigsiga 2016-ka.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa ayaa si wadajir ah u shir-gudoomin doona kulanka, iyadoo Jawaari fadhiga ka akhrin doono howlaha horyaalla baarlamaanka Somalia inta uu socdo kal-fadhigan lixaad.