Faahfaahin Dheeri ah oo Kasoo baxeysa Qaraxii Maanta Ka Dhacay Wasaarada Hidaha Iyo Tacliinta Sare

0
43

amisomCiidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom, ayaa gudaha u galay Dhismaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dalka oo rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen, ayna ka dhex-dagaalamayaan.

Raggan hubaysan ee gudaha u galay Dhismaha Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa markii hore waxa ay darbiga Wasaarada ku dhufteen Baabuur waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan, kadibna rag hubaysan ayaa gudaha u galay dhismaha Wasaarada.

Lama oga xaalada Shaqaalaha Wasaarada iyo dadkii kale ee ku sugnaa Dhismaha, markii weerarka hubeysan lagu qaadaayay.

Lama ogaan karo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaan hubaysan ee ragga Shabaabka ka tirsan ay ku qaadeen Xarunta Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka.

Gaariga qaraxa ee darbiga Wasaarada lagu dhuftay ayaa wuxuu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah, maadaama darbiga Wasaarada dhinaceeda ay ku yaallaan goobo maqaayado ah oo Shaaha laga cabo.