Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Kol Dhaweyd Gaarey Magalada Cadaado

0
26

xasan sheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo laga sugaayay Madaxweynaha iyo xubnaha la socda.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Cadaado, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” iyo Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Bulshada Cadaado qaarkood.

Ammaanka Garoonka ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugidiisa iska kaashanaayay ciidamada Amisom iyo ilaalada gaarka ee Madaxtooyada Soomaaliya oo shalay sii tagay Magaalada Cadaado.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu berito furo shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.