Wafdi Ay Hogaamineyso Wasiirada Caafimaadka oo Booqasho Ku Tagey Degmada Jowhar

0
29

wasirada cafimadkaWasiiradda caafimaadka Somalia, Xaawo Maxamed Xasan iyo wafdi ay hoggaaminayso oo ka socotay dowlada Qadar ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka kubbada cagta ee Jowhar oo ay geysay diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah waxayna kulan la yeesheen madaxda maamulka gobolka iyo kan degmada.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa sheegtay in ujeedadda booqashadeeda ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahayn xaaladda caafimaad ee gobolka Shabeellada dhexe ka jirta.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka socotay xukuumadda Qadar iyo hay’ada Qadar Charity oo uu hoggaaminayay Ibraahin Cali.

Mas’uulka Qatar Charity, Ibraahin Cali ayaa isna sheegay in mashaariic kala gedisan ay ka hirgelinayaan gobolka, isla markaana ay mashaariicdaas oo dhinaca horumarinta bulshada ah ay ku bixin doonto hal malyan oo doollar.