Bananbax Looga Soo Horjeedo In Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe Lagu Qabto Cadaado oo Maanta ka Dhacay Magalada Dhuusamareeb

0
40

dhusamarebWarar aynu ka helney magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in  magaladaasi bulshada ku nool ay isugu soo baxeen bananbax.

Ujeedada banaanbaxan ayaa waxaa uu ahaa sidii shacabka Dhuusamareeb ay ugu muujin lahaayeen inay kasoo horjeedaan in shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya in lagu qabto Magaalada Cadaado.

Dadkii banaanbaxa dhigaayay ayaa waxa ay gubeen taayaro, waxaana ay ku buuqeen bartamaha Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa isku dayay inay dadka kala eryaan, waxaana la maqlaayay dhawaqa rasaas ka dhaceysa Bartamaha Magaalada oo shacabka lagu kala eryaayay.