Guuxa dad weynaha”Sheekh Saalax Ma boordhabay kooxda duulaanka sida neef Lo’aad”

4
54

jawAyaanba ayaan Aduun waa Aragti iyo Istus ee Anagaa talina oo nalagama daba hadli karo oo lagu soo koobay “Fad ama hafadin waa lagu fadsiin” war Daarood ayuu ahaa gobolka iyo dadkiisana waa ay ku samreen in ku dhow 20 Sanadood.

Geedqaadkii Daarood iyo dumintii dowladii dhexe looma kala harin Anagana qayb ayaan ka ahayn balse Anaa ku xukumo oo kaa Mooryaan badan qori caaradiisaan kugu haysanaa oo waa ku taabsaday ma waanu warkii ku dhamaan.

Horaa loo yiri “Hawiye oo Xoog leh kuu talin maayo,Kulana Tashan maayo,Kaana Tashan maayo”waa yaabe Ajeenja(Wax-Magarad) sifooyinkaan(Tilmaamahan) leh ruuxa EEBEHEEY wax ugu daray Harsi daayoo hargal ma helaa? Jawaabtu waa ay iska cadahaye maxaa soo kordhay ayuu mid kale yiri?
Waxaad wada ogaydeen unbaan darafka haystaaye horta Hawiye maxaa u yaal Shabeelaha hoose?Lix jir caseeye ah oo dadkan dhex mushaaxayay ayaa yiri…Walba(Waxba).

Kolkaabaa nin halyeey ismooday qori amaankiisu furanyahayna Midigta ku haysta Tuutaha Xooga dalkana Dacas ku gashnaa oo goobta fadhiyay tiro kula dhaqaaqay inta Hawiye ah ee uu yaqaano inay yihiin reer Shabeelaha hoose.

Oday goobta fadhiyay oo runtii dareenqab ahaa ayaa si hoose u yiri balweydiiya intuu ku dhashay….Isagoon ka meermeerin ayuu yiri Dhuusamareeb baadiyaheeda xligii Cirfo,IndhaCade iyo…… ilaa iyo maantana gobolkaan ayaa ku noolahay oo difaaciisaan u taaganahay ee Walaalayaaloow ma waanan Anigu deegaanka xaq u lahayn oo meeshu ma waanay dhul Soomaaliyeed ahayn?ayuu dadkii goobta fadhiyay ku celiyay!

Gaw…Gaw waa mijintan Qaad halaguugu qabsado oo Adna bargo’ ku joog ayaa nin sii socday lahaa waa Aduun dadna ka fekerayo Laan Qaad ah Kuwana dhulkooda oo lagu kor haysto ku aamusan.
Si kasta oo uu Guuxa shacabka u daalaa dhacoo u sii dardaar wariyaba warka waxa uu ku biyo hooray ninka layiraah Sheekh Saalax horta yuu ahaa,Xaguu ka yimid,Muxuuse rabaa?ayaa goobkale dadkeedii isweydiiyeen.

Inkasta oo Jawaabtu uu ninba meel ku dhuftay hadana waxaa laysla gartay inuu yahay ruux xaq u dirir ahoo xaqiisa u kacay isagoo weliba kula hadlay kooxaha duulaanka ee reer Hawiye luqada kaliya ee ay fahmaan oo ah Qori afkiisa xabad waxdisho kasoo fatahayso.

Waa geesi geesi dhalay oo dhib aan dhoweyn ku garaadsaday go’aana qaatay oo dadkiisa inuu ka dulqaado wacad ku maray ayaa hadal ku koobay nin dhalinyaro ahaa oo goobtan ku sugnaa hayeeshee nin aan ka fogayn ayaa yiri waad riyooneysaa ninkan aad sheegayso Aniga iyo Adiguba agtiisa isku mid ayaan ka nahay oo dadka waxa uu u kala yaqaanaa oo kaliya Jareer iyo Jileec ee ogow markii uu Aniga i dhameeyo Adigana waa uu ku raacin doonaa!

ALLAH…ALLAH..Been badanaa oo borobogaando fidin ogaa saaxiib Aniga iyo ninkaan waa isleenahay oo waxaan isku nahay dad wada dhashay oo Dhul,Dhib,Dhidid iyo Dheef wadaagba ah ee Adigaa meeshan dulsaar ku ahee Baabuur daa ku yiri nin Ilgureed wax ku fiirinayay warkiiyoon dhamaan balse guuxa uu weli jiro ayaa mid kale ka gaarsiiyay warkii oo yiri dhegeyso ninkaas waalan warkiisa iga dhaafe waxaan leeyahay Aniga ”hala qaato guuxa dhalinyarada halgu daro hoo iyo haa, hoog iyo hiilo halagu dayo,warafka iyo guulguulkuba wey ka kiciyaan beeraha shinbirta iyo doonfaarka u soo duulaan tegey inuu cuno,aniga ififale ayaa ii muuqda kaasoo hormuud u ahaa banaanbihii ka dhacay baydhaba,afgoy,marka cadey iyo midka maanta ka dhacaaya qoyoley ,bulosheik iyo haduman”
Xaalka dadka ku nool gobolka Shabeelaha hoose oo u dhignaa mudooyinkanba Shinbirtii caruurtu qabteen ee loogu xikmeeyay “Shinbir ilmo qabatay Dilmana u dhow Daysmana u dhow”balse xaalku haatan waxa uu u muuqdaa midkii ahaa Aduun waa geed labadiisa gelin.

Hadal haynta saxaafada halgankan cusub ee ka curtay gobolka Shabeelaha hoose ayaa sidoo kale leh muuqaal dheer oo xitaa Iftiinkiisa soo gaaray qurbaha.

Bal ila fiiri qurbajoog halgankan wadaniga ah u qaatay kii dulaalnimada isla markaana isku dayaya inuu afkaba u dhigto halgankan lagu baadi goobayo xuquuq xalaal ahoo ka maqan shacab aan waxba galabsan oo loo dulmaayo maxaad wax u dili weydeen oo aad iskeen kaaya dhicin weydeen,Mid ka mid ah qurbajoog luguhu kaga banjareen ayaa kacdoonkan magac ula baxay sida ay shacabku maanta joogaan xililgii isku soo ururi xuruufo S-na soo raaci oo ka dhigo magac(Kacdoonka badbaadinta Gobolka Sh\hoose (LSSM) Lower shabeelle salvation Movement).

Waa dhab in gudaha iyo dibaduba maanta uu Sheekh Saalax magac iyo maamuusba ku leeyahay oo taageerayaashiisa iyagoon u kala harin ku taageeray mabda’iisa xalaasha ah ee ku dhisan “Maqaar Sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug maleh”

Kol hadii sedexgeeska No50,Janaale,Marka ay Hawiye ku yihiin Keeb la yuurur oo Afarwaab dhoobayna kacdoonkeeda isagoo bisil goobta yimid guuxa Awdheegle,Geledi iyo Daafeetna la maqlaayo waa hubaal in kol dhowna Deexda Barawe iyo Doy uu halganku isqabsan doono xaalkuna uu noqon doono in loogu duceeyo”Dadkaan dhawaaqayaa dhulkooda doonayaan haday u dhiidhiyeen ALLAH-hayoo u dhiib”.
War iyo dhamaantiisna Oday hadlaa ku maahmaahay”Hawiya dile ii Dantiis qobsade han ku dheer”Ana waxaa iri oo ku soo afmeeray”Sheekh Saalax Ma boordhabay kooxda duulaanka sida neef Lo’aad”.
Waxaa qoray.

Abdiaziz ShSalah
Waa inoo Talaadada danbe hadii ALLAH laga helo.

4 COMMENTS

  1. A/aziz waan arakney oo akhriney,reer shabeelaha hoose ayaan waxaan u leeyahay”ka digtoonaada”gumeysigu wuu xeelad badan yahay iskana ilaaliya in la idinku sameyo”qaybi oo xukun”si uu gaaro danihiisa una seeta dheereysto cimrigiisa burburka ku jiro.guu,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,l

  2. asc abdiaziz salaan kadib aad iyo aad ayan kuu mahad celiyey aniga waxaa iigu filan sida aad hadalka u kala dhigtey in kacdoonkaa uu imaanaayo kol hore ayaan sheegey marka aan lahaana jidah ayaan joogey dadkii aan u sheegeyna dad dhintey iyo dada hada jooga waayey weliba waxay ahaayeen dadka duulaanka sooqaadey ayey ka mid ahayeen meel sabiil layiraahdo ayaan hadalkaan ka jeediyey sanadku markuu ahaa 1998 dii hadaba aniga horey ayaan u aamin sanaa in dadka soo duuley ay la mid noqonayaan kuwii ka horeey oo dad beertiisa sisintiisa ku joogto la yiraahdo ka kac anaa lahee oo warqad been cali diiriye lagu soo amri jirey in uu warqadsiiyo qofkaasi kii dhulka lahaana laga kiciyo oo afgooye heeystey hdaba dadkaasi hada way quusteen kuwana waa lamid quusashadii ayey u bilaawatey aniga sidaasi ayaan qabaa adigana waan kuu mahadceliyey magaceyga waa mahamed dhulka dhalinyadiisa way kacdey dhawr jeerna maqaalka ah af maaymaayda aan ku qorey way kacdey dhalinta lasocda walalyaal

  3. I`m Honest.
    honest is a very expensive gift, do not expect it from cheap people.!

Comments are closed.