Alshabab oo Maanta Ku Nin Ay Sheegeen In Uu Ahaa Sixiroow Ku Toogtey Degmada Diinsoor

0
107

alshababXarakada Al-shabaab ayaa maanta xukun ddil ah ku fuliyey nin ay sheegeen in uu ahaa sixiroow meel faraage ah oo ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Dadweyne fara badan ayaa ka qaybgalay toogashada oo dhacday shalay oo Jimco ahayd gellinkii dambe, waxaana ninkan magaciisa lagu sheegay, Macallin C/qaadir Sh. Aadan toogtay dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab.

Garsooraha maxkamada Al-shabaab ee xukunka ridday ayaa sheegay inay maxkamaddu go’aansatay inay xukun dil ah ku riddo macallin C/qaadir, kaddib markii lagu helay inuu yahay sixiroole.

Shacabka ku nool degmada Diinsoor ayaa lagu wargeliyay inay kasoo qeyb-galaan dilkan toogashada ah, iyadoo dadweyne badan ay isugu yimaadeen goobta uu dilku ka dhacay.