Wasarada Aminiga oo Sheegey Iney Dejisey Qorshe Cusub oo Lagu Sugaayo Amaanka Magalada Muqdisho

0
44

astaanta somaliaWasaaradda Amniga Gudaha Somalia ayaa sheegtay inay dajisay qorshe lagu adkeynayo amniga Muqdisho, kaddib markii toddobaadkii hore ay ka dhaceen caasimadda Qaraxyo lala beegsaday hoteel ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Somalia.

Qorshahan ayay wasaaraddu ku sheegtay inay tahay mid lagu baarayo goobaha gancsiga ah ee garaka loo leeyahay iyo hoteellada si amniga guud ee caasimadda loo adkeeyo.

Afhayeenka Xukumadda Somalia, Ridwaan Xaaji C/wali sheegay in baaristan ay saameyn ku yeelan doono shacabka, sidoo kale shacabka iyo xubnaha ka tirsan dowladda looga baahan yahay inay dul-qaad sameeyaan inta baaristu socoto.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo laba qof oo rag iyo dumar kala ahaa ay qaraxyo is-miidaamin ah ka geysteen Central Hotel oo ku dhow Villa Somalia halkaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda, ayna sidoo kale ku dhaawacmeen mas’uuliyiin kale.