Ciidamada Kenya oo La Geliyey Heegan Cabdi Laga Qabo Alshabab Darteed

0
30

Kenyan_Army_in_SomaliaXukuumadda Kenya ayaa ciidamadeeda gelisay heegan buuxa, kaddib hanjabaaddii Al-shabaab, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ay sheegeen inay baqdin ka qabaan weerarro kaga yimaada Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha Kenya waxay sheegeen in la kordhiyay ciidamada soohdinta ay la wadaagan Soomaaliya ilaalada ka haya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka sameysanayaan xadka ilaalo socod ah, si ay uga hortagaan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u soo gala dalkooda.

David Obonyo ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan qorshe walba oo ay Al-shabaab ku doonayso inay dalkooda ku weerarto, isagoo xusay in hanjabaadooda ay u arkaan inay tahay mid aan macno badan lahayn.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa muuqaal ay baahisay Sabtidii aynu soo dhaafnay waxay kusoo bandhigtay weerarkii ay ku qaaday Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi sannadkii 2013-kii, iyadoo sidoo kale ay kooxdu ku hanjabtay inay weerarayso danaha reer galbeedka.