Ansixintii Golaha Wasiirada oo Maanta Dib Loo Dhigey Kadib Kolkii Reysulwasaaraha Codsadey

0
71

barlamanka-cusubMaanta oo Sabti ah la filayay in kalsoonida loo qaado xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay dib u dhacday ansixinta xukuumadda, isla markana ra’iisul wasaaraha Somalia uu muddo dheeraad ah weydiisanayo baarlamaanka.

Wararka aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u gudbinayo baarlamaanka warqad uu ku dalbanayo in dib loo dhigo qorshaha xukuumaddiisa lagu hor-keenayo baarlamaanka Soomaaliya.

Codsiga ra’iisul wasaaraha ayaan la ogeyn sida uu baarlamaanku ka yeeli doono, iyadoo ay u ballansanaayeen xildhibaannadu inay manta codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay Sharma’arke.