Shrikii Madaxda Midowga Africa oo Maanta Ka Furmaya Dalka Itoobiya

0
44

xasanShir-madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo shirka sannadkan 2015-ka oo socon doona laba casho ay ka qayb-galayaan inta badan madaxda dalalka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa sannadkan kaga hadli doona shirkooda dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin; colaadaha Koofurta Suudaan, Xagjir-nimada kusii baahaysa Afrika, cudurka Ebola iyo la-dagaalanka Boko Haram.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa shirka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu khudbad ka hor-jeediyo madaxda Afrika, taasoo uu kaga hadli doono xaaladaha Somalia.

Sidoo kale, madaxda Afrika ayaa taageero u raadinaya sidii ciidamo ka socda dalalka Galbeedka Afrika ay ula dagaalami lahaayeen kooxda Boko Haram oo ay sheegeen inay khatar weyn ku tahay amniga Nigeria iyo dalalka kale ee dariska la ah.