Xukuumada Reysulwasaraha Cusub oo Maalinta sabtida La Horgeyn Doono Baarlamanka

0
33

barlamanka-cusubGudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in horraanta todobaadka soo socda xukuumadda cusub la horkeeni doono baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Kulan gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen shalay ayay ku go’aamiyeen xilliga uu ra’iisul wasaaruhu horkeeni doono wasiirrada cusub ee uu magacaabay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddoonka uu go’aan ku gaaray in Sabtida ee soo socota la hor-keeno golaha wasiirada xukuumadda cusub.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay kulankaas ka soo qayb-galaan si codka kalsoonida ah loogu qaado xukuumadda la soo dhisay, inkastoo xildhibaannadu ay fikarado iska soo horjeeda ka qabaan wasiirrada lasoo dhisay.