Ciidmada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo Maanta Howlgalo Ka wada Xaafada Kaxda

0
96

baritanCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa saaka baaritaano ballaaran waxa ay ka wadaan xaafadaha Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo ah mid saaka aroortii biloowday, ayaa ilaa hada ka socda xaafadahaasi, waxaana iska kaashanaya ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo gaadiidkooda wadooyinka lagu jaray.

Mid kamid dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada saaka aroortii ay bilaabeen howlgalka ayna qab-qabteen dad aad u badan.

Ciidamada ayaa gudaha u galaya guryaha, kadibna waxa ay dadka weydiinayaan in dibada loo soo saaro, hadii ay jiraan dhalinyaro guriga ku jirta, si baaritaan loogu sameeyo.