Wasiirada Shariifka oo Sicir Barar Ku Keeney Qiimaha Qaadka Lagu Kala Iibsado Magalada Baydhabo

0
43

qaadWarar inaga soo gaaraya magalada baydhabo ayaa waxaa ay sheegayaan in qiimahii lagu kala iibsan jirey Jaadka ama Khaadka uu kor u kacay dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay.
Sicir bararka ku yimid Khaadka ayaa waxaa loo sababeynayaa kadib kolkii golo wasiiro looga dhawaaqey kol dhaweyd magalada baydhaba.

Khaadka oo markiisii hore Magaalada Baydhaba ka ahaa mid aad u jaban ayaa hada cirka isku sii shareeray, taasoo ugu wacan Qaar kamid ah Wasiirada Seddaxda Gobol oo bilaabay in Canshuurta Shacabka Gobolka Baay laga soo qaado ay ku iibsadeen Jaad iyo Biyo kulul.

Wasiiradan ayaa shaqo ka dhigtay in Maalinkii oo dhan ay jiifaan Habeenkiina ay u soo jeedaan Cunista Khaadka.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in Wasiirada ay kuwada kulmaan Guri uu Magaalada Baydhaba ku leeyahay Wasiir kamid ah Wasiirada 3-gobol, gurigaas oo ay isugu yimaadaan Wasiirada kuna marqaamaan.