Ciidammada dowladda oo Dad kusoo Qabtay Howlgallo ay Muqdisho ka Fuliyeen

0
46

In kabadan toban qof ayaa lagu soo qabtay howlgallo ay ciidammada amniga ee dowladda Soomaaliya xalay ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Af-hayeenka wasaarada amniga, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ciidammada ay hawlgalka ku beegsadeen guryo lagu tuhmay inay ku dhuuntaan xubno katirsan Al-Shabaab.

Af-hayeenka ayaa waxaa kaloo uu sheegay in hawlgalka lagu qabtay nin la rumaysan yahay inuu ku lug lahaa weerarro lagu dhaawacay laba xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay inay joogto ahaanayaan hawlgallada lagu xoojinayo nabadgalyada, wuxuuna ka dalbaday dadweynaha inay gacan buuxda siiyaan ciidammada dowladda.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho