Diyaaradaha Dorooniska Mareykanka oo Xaley Duqeyn Ka Galeystey Jubada Dhexe

0
43

UN-Drones-Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacnta ku hayso Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay maqleen qaraxyo waa-weyn oo ahaa duqeymo diyaaradeed, iyadoo duqeynta ay ka dhacday deegaanka Jawaarey oo ku dhow degmada Saakow.

Ilo-wareedyo qarsoon ayaa sheegay in duqeynta lagu beegsaday sarkaal sare oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan, inkastoo aan magaciisa la sheegin, sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa iyana ku xustay  war kooban oo ay soo saartay in weerarkaas uu jiro, balse weli qiimeyn ku hayaan sidii ay wax u dhaceen.

Daafeet.Com