Maamulka Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigey 51 Dooni oo si Sharci Daraha Uga Kaluumeysaneyey Xaabaha Somaliya

1
25

somalilandTaliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa maanta sheegay in ciidankiisu hawlgal ay qaadeen ay ku soo qabqabteen dad ajaaniib ah oo si sharci darro ah kaga kalluumeysanaayay xeebaha maamulkakaasi.

Admiral Axmed  ayaa sheegay in 51 doon oo laga leeyahay dalka Yaman iyo markab laga leeyahay dalka masar ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa min Maydh ilaa lughaya, ee ka tirsan Somaliland.

Admiral Axmed ayaa BBC u sheegay in doonyahaasi iyo markabkaasi oo ay saarnaayeen 257 qof oo baxaari ahi ay si sharci darro ah uga guranayeen badda somaliland kalluunka iyo kheyraadka kale hatana ay ku xidhanyihiin magaalada Berbera.

Ugu dambeyntiina waxaa uu sheegey in Dadkan ajaaniibta ah ee la xiray la horgeyn doonaa sharciga.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Maansha Allah guul ayaa uu so hoyatey Somali Shacabkeda hadiba Cidamad badda Somaliland ay awood uu yeeshteen ine so qabtaan Kalumeysato dowlado shisheye oo ka kalumeysanayeey Badda Somaliyeed

Comments are closed.