Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xaley Kulan Albabada U Xiran La Yeeshey Cumar Cabdirashiid

0
26

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah ruuxa loo badinayo inuu noqdo ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa C/weli Sheekh Axmed.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayay labada mas’uul ku kala warqaateen, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu si gaar ah ugala hadlay Sharma’arke xukuumadda lasoo dhisayo, howlaha horyaalla iyo magacaabista golaha wasiirrada xukuumada cusub.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in kulanka xalay ay qayb ka ahaayeen saaxiibbada aadka ugu dhow madaxweynaha, kuwaasoo aan magac ahaan loo xusin; iyadoo la sheegayo in dhammaan waxyaabihii laga hadlay ay isku afgarteen madaxweynaha iyo Sharma’arke.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa weli ku gudo jira soo xulista ra’iisul wasaarihii saddexaad ee uu magacaabo tan iyo markii xilka loo doortay oo ahayd dhamaadkii 2012-kii, markaasoo xildhibaannada baarlamaanka ay cod aqlabiyad ah ku doorteen.

Daafeet.Com