Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo Tacsi U Diraya Suldaanka Beesha Shanta Caleemood

0
37

tacsiInaallaahi wa inaa ileyhi raajicuun dhamaan odey dhaqameedyada koonfur galbeed waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Suldaan Beesha shanta caleemood Suldaan Isaaq Maadow oo maanta wiilkiisa uu ku dhintey weerarkii lagu soo qaadey xildhibaan Mustaf Mayow.

Waxaa kaloo ay tacsi halkan uga dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey Ex Xildhibaan Kiibaan Cabdullahi oo isna la socdey isla gaarigaa lagu weerarey xildhibaanka.

Waxaa kaloo ay tacsi taasi la mid ah u dirayaah dhamaan intii ku geeryootey weerarkaas gardarada ahaa ee lala beegsanayey dad aan waxba galabsan wexeyna ilaahey uga baryayaan intii ku dhaawacantey in caafimaad taam ah ilaahey siiyo.

Waxaana ay dhamaantood eebe uga baryayaan inuu uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo qaraabadii ay ka tegeena samir iyo iimaan ilaahey ka siiyo janadii fardowsana ilaahey ka waraabiyo Amiin Amiin Amiin

Daafeet.Com