Xildibaan Mustaf Mayoow oo Maanta ka Badbaadey Isku Dey Dil

0
53

bistooloKoox hubeysan oo Gaari watay ayaa Degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka Via Roma ku dilay Xildhibaan hore uga tirsanaan Baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cabdullaahi iyo labo ruux oo la soctay waxaana isla weerarkaasi ku dhaawacmay Xildibaan Mustaf Mayoow hada xubin ka ah Baarlamanka.

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabadsugida oo isku dayay inay gacanta ku dhigaan Gaarigii ay saarnaayeen Raga weerarka fuliyay ayaa ku guul dareystay inay qabtaan iyagoo is kacaabin kala kulmay.

Qaar kamid ah Ciidamadii Nabadsugida ee ceyrsaday Gaariga ayaa ku dhaawacmay bam gacameed ay kusoo tuureen Kooxdii Gaariga wadatay.

Saraakiisha Hay’adaha Amniga oo aan la xiriirnay nooma aysan suurta galin inaa helno si aan arimahaasi wax uag weydiino.

Daafeet.Com