War Deg Deg Ah Magalada Baydhabo oo Maanta si Gardaro ah Dad Loogu Laayey

2
39

breaking nWararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in dad si nabad ah u banan baxayey lagu laayey magalada baydhaba  qaarna la xirxirey.

Ciidamadan dhibka geystey ayaa waxaa la sheegey in ay ka amar qaadanayeen taliyaha ciidanka boliska gobolka iyo taliye ku xigeenka nabadsugida Ibrahin Yarow.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamo la socdey madaxweynaha ay isku gadaameen xarunta ADC ayna rabaan in ay kala wareegaan xaruntaasi maamulka lexda gobol ee halkaasi ku sugan.

Ma aha markii ugu horeysey ee halkaasi si gardaro ah loogu dilo shacabka koonfur galbeed oo halkaasi ku bananbaxayey oo aan ilaa iyo hada jirin qof loo soo qabto.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. àniga waxaan lee yahay RRA hala soo celiyo maantana madaxweynihi madoobe nuunoow in la xiro shacabkiisana la laayo looma dulqaadankaro marka waa in RRA la soo celiyo

  2. RRA waxa asasey dad uu adkeysan waayeey gumeysi iyo ku hadgudbka sharafta DM, ee Allah ka garawsiyo dadkena iney gumeysi dumarkoda iyo caruurtoda ka dhidhiyaan. Kuwa hadda na matalayo oo Muqdisho jooga waa dad Damirkoda iyo Dadnimadooda Dollar siistey degano iyo dadna shaqo kuma laha, ee Allahayow Dull qeyr qaba oo Deganadasi iyo Dadkisa badbadi no so DIR Aminnnnnnnnnn.
    Dulmi Jogto , Xasuuq, Barakicin ayaa 24 sanno nanagu haaya , ma Dadnimo Xuma Danqadan miya, Subhanallah.

Comments are closed.