War Deg Deg Ah Alshabab oo Isaga Baxay Degmada Baraawe

0
26

breaking nWararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay iskaga baxeen Degmada Baraawe oo aheyd Fariisinka ugu weyn Xarakada Al-shabaab.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Radio Kulmiye usheegay in Al-shabaab ay Magaalada iskaga baxeen kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Kaabiga ku hayaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in Al-shabaab ay Dadka Magaalada u sheegeen in aysan dooneenin in Shacabka lagu Dul dagaalamo,maadaama Ciidamada Huwantaa ay ku wayahan yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Fariisimo Xoogan ka sameeysteen Deegaanka Anbareysa oo ah halka looga leexdo Degmada Baraawe.

Degmada Baraawe ayaa Muhiim u ah Cid kasta oo Gacanta ku dhigta waxaana halkaas Maamulayay ilaa 2006 Dhadhaqaaqa Al-shabaab.

 
Daafeet.Com