In ku dhow 2.5 Milyan Xaaji oo maanta istaagay Arafa.

0
54

rafatILLAAH haka wada aqbalee waxaa maanta Buurta Carafa dul istaagay in ku dhow 2.5 Milyan oo Xujay ah si ay u gutaan rukniga Shanaad ee arkaanta Islaamka.

Xujaydaan maanta ALLAH siiyay fursadaan weyn ayaa waxay isga kala yimaadeen Shanta qaaradood ee Aduunka si ay u gutaan ruknigan iyadoo sanadkan si gaar ah ugu soo aaday maalin Jimce ah.

Guud ahaan xujayda ayaa waxaa si ALLAH kacabsi iyo Iimaan ku dheehan u dhagaysteen khudbadii uu Masjid AL-Nimra uu ka jeediyay Muftiga Saudiga Sheekh Cabdilcasis Aala-Shiikh oo ku dheeraaday dhibaatooyinka iyo Mushkiladaha ka aloosan wadamada Islaamka isagoo weliba si aad ah uga horyimid Xagjirnimada iyo Argagixisada.

Muftiga Saudiga Sheekh Cabdilcasis Aala-Shiikh oo sanadkan ahaa sanadkiisa 34 aad ee uu khudbada maalinta carafo uu jeediyo ayaa waxa uu ku baaqay in ummaddu ay u istaagto sidii ay uga bixi lahay kala taga una midoobi lahayd khudbada Muftiga sanadkan waxaa aad looga dhadhansan karay isbedel badan oo dhanka furfurnaanta Diinta iyo weliba ka hor imaasho uu ku baaqay in laga horyimaado Xagjirnimada iyo Argagisada isaga oo sidoo kalena sheegay in cadawga koowaad ee Islaamku maanta leeyahay inay yihiin Al-Qaacida iyo Dowlada Islaamka(Daacish/ISIS) Sidoo kale ayaa waxa uu Muftiga hoosta ka xariiqay in labadaan urur ayan wax sal ah ku lahayn Diinta Maxamadiyada Waxa uuna guud ahaan Muslimiinta ugu baaqay inay u istaagaan hogaaminta heer walba uu noqdo waxa uuna soo qaatay Hogaanka Qoyska,kan Dalalkooda iyo kan Caalamkuba.

Dowlada Saudiga ayaa sanadkan waxay diyaarisay in ka badan 70.000 oo askari kuwaasi oo sugi doona Amniga Xujayda mudada Shanta maalmood ah ee ay ku guda jiraan gudashada Xajka.
Dhanka kale Alle ha u naxariistee waxa magaalada Maka dalka Sucuudiga ku geeriyooday Xaaji Ibraahim Nuur Geelle oo ka mid ahaa Xujaajta Soomaaliyeed ee sanadkan kasoo Xajiday gudaha dalka.
Geerida Xaajiga ayaa timid kadib kolkii maalintii Arbacada ahay uu baabuur dardaray xilli uu ka soo baxay Masaajid uu ku tukanayay oo ku yaalla magaalada Barakaysan ee Maka.
Alle ha u naxariistee Xaaji Ibraahim Nuur Geelle waxa uu ka mid ahaa Xujaydii ka soo xajiday gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco waxa uuna la socday Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun.