Dhegayso..Qandaraasle Geeseey iyo Mat-deero oo maanta ka jawaabi waayay sababta ay u saxiixeen sedexda gobol

1
32

hinoIyadoo haatan ismariwaa aad u baaxad weyn uu soo food saaray Qandaraaslayaashii shirka sedexda gobol ee ay magaalada Baydhaba sida wadajirka ah uga fureen Gudoomiye Jawaari iyo Ra’isulwasaare Cabdiweli ayaa waxaa hadana weli ay Qandaraaslayaashu isku dayayaan inay dhegaha shacabka KoonfurGalbeed ay maqashiiyaan kuna qanciyaan inuu shirka weli uu socdo iyadoo lawada ogyahay in shirka uu si iskiisa ah u xirmay kadib kolkii layku mari waayay qaabka ay Qandaraaslayaashu wax u rabeen.

Falalkan wax magaratada tirada yar ay kula dhexwareegayaan Qandaraaslayaasha ayaa haatan waxa uu u muuqdaa mid daaha ka rogmay iyadoo maalin-nimadii maanta ahayd ay Qandaraaslayaasha kala ah Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geeseey iyo Mad-deero ay xarunta shirka gudaheeda isugu keeneen wax magarato ay ku sheegay inay yihiin Waxgaradka,Dhalinta iyo Haweenka kuwaasi oo sida ay sheegteen su’aalo weydiinayay waxa loogu yeero Saxiixayaashii heshiiska Sedex gobol.

Dadkan la isugu keenay hoolka shirka ayaa ujeedka ay ka lahaayeen Qandaraaslayaashu waxay ahayd inay dadka u cadeeyaan in aanu shirka sedexda gobol aanu xirmin isla markaana ay sii wadaan faafinta beentooda ku aadan shir ka socda Baydhaba,Ha yeeshee qaar ka mid ah dhalintii halkaasi tagtay oo aad u og in raga hor fadhiya ay yihiin Qandaraaslayaal ayaa waxay weydiiyeen su’aalo aad ugu adkaaday Qandaraaslayaashu iyagoona ugu danbayn diiday inay ka jawaabaan su’aalaha ay qabeen dadkii ay gacantooda kusoo xusheen ee ay hoolka keensadeen.

Ugu danbayna waxa uu shirkii ku soo gunaanadmay buuq iyo qaylo.

Halkan ka dhegaysoUnknown Album

1 COMMENT

Comments are closed.