Ciidamada Amisom oo Maanta Qarax Lagula Beegsadey Magalada Kismaanyo

0
28

kismay-300x168Ciidamada amisom gaar ahaan Ciidamada ka socda Brundi ayaa maanta waxaa qarax lagula beegsadey magalada kismaanyo qaraxaas oo geystey qasaaro.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin shaqaalo ka shaqeynaayay goob dhisme ah oo ku taalo xaafadda Laanta Ganacsiga ee magaalada Kismaayo.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Magaaladaasi.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa ku waramaayo in ammaanka Magaalada uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin, lana xakameeyay.

 
Daafeet.Com