Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Wadajir oo Xabsiga Laga Sii Daayey

0
20

axmed daciIn ka badan  35 maamlmood ka dib oo uu Dowlada u xirnaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci ayaa Xalay dib Xuriyadiisa u helay ka dib Markii Dowlada Soomaaliya ay sii deysay.

Axmed Daaci oo la hadlay warbaahinta muqdisho ayaa xaqiijiyay in la sii daayay oo hada uu ku Sugan yahay Gurigiisa ku yaallo Degmada Wadajir waxa uuna ka cudurdaartay in uu Wareysi gaar ah Siiyo Idaacada Risaala.

Axmed Daaci ayaa Sidoo kale Sheegay in uu la hadli doono Warbaahinta uuna ka warbixin doono sii deyntiisa iyo waxyaabihii uu kala kulmay Dowlada Soomaaliya.

Xukuumada federalka ayaan weli ka hadlin sii deynta Axmed Daaci.

 
Daafeet.Com