Xaflad Xaley Toronto Ka Dhacay oo Ay Ka Dhex Muuqdeen Kooxo Diidan Horumarka Somalida Canada

1
85

voteWaxaa habeenimadii xaley ka dhacay magaalada Toronto xaflad balaaran oo ay ka qeyb galeen suxufiyiinta Soomaalida iyo qaar ka mid ah horjoogayaasha ururada jaaliyadaha Soomaliyeed ee reer Toronto, Kulankan oo ahaa mid uu isugu yeeray tartamaha xaafada Word 1 laguna magacaabo Avtar Minhas kaasi oo tartan ugu jira kursiga golaha deegaanka oo loo tartami doono bisha Oktoobar ee fooda inagu soo hayso.

Xafladani ayaa waxaa ka dhex muuqdey qaar badan oo kamid ah Sooomaalida kuwaasi oo looga bartay inay had iyo jeer ay kaba qaad u ahaadaan shaqsiyaad aan wax dan ah ugu maqnayn jaaliyadaha Soomaaliyeed ee reer Toronto.

Avtar Minhas oo tartan ugu jira kursiga golaha deegaanka ayaa waxaa tartan kula jira gabar Soomaaliyeed oo magaceeda la yiraahdo Idil Buraale oo ayadu tartan weyn ugu jirta sidii ay u badbaadin lahayd jaaliyadaha degan xaafadeeda isla markaana ay aad dadaal badan u gelisay sidii ay u soo dhicin lahayd xuquuqda jaaliyadaha wada degan xaafada gaar ahaan jaaliyada Soomaaliyeed.

Kooxdan Soomaalida ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay la xiriireen Tartame Idil Buraale weydiisteena inay tartanka isaga baxdo si uu tartame Avtar Minhas uu si sahlan ugu helo kursiga deegaanka ee ay Idil tartanka ugu jirto.

Horjoogayaasha kulankan horboodayay ayaa waxay yihiin kuwo golayaasha kasoo muuqda waqtiyada ay tartamada doorashooyinku ay jiraan iyagoo weliba goor iyo ayaan dhinac taagan shaqsiyaad aan wax dan ah ka gelin bulshada reer Toronto ee ay Jaaliyadaha Soomaaliyeedna ay ka mid tahay taasoo aan ku tilmaami karno caqaba daro heysata shacabka somaliyeed ee ku nool dalka canada.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.