Maxaa kaaga baxay jawaabihii Madaxweyne Xassan Sheekh Qodobbadanse ma’u fiirsatay?

0
35

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage kuna saabsaneyd waxqabadka dowladda Soomaaliya muddadii labada sano ee ay jirtay, ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoonyahanno, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dooddan oo si toos ah uga baxeysay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa Madaxweynaha lagu weydiiyay su’aal aheyd inuu yahay musharrax Madaxweyne oo isa soo taagaya Sannadka 2016ka marka xilligiisu dhammaado, ayaa sheegay inuu yahay Musharrax u taagan doorashada 2016, sida muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu musharax u yahay, isagoo caddeeyay in haddii laga guuleysto uu diyaar u yahay inuu wixii qibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorto.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidookale la weydiiyay eedeynta kufsiga lagu eedeeyay AMISOM, isagoo xusay in taasi marna aanay farxad gelineyn, hase ahaatee Xukuumaddu ay weydiisatay in jawaab cad ay ka bixiso AMISOM, isla markaana ay haatan socdaan daba gal kala duwan.Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ku aadaneyd arrinta ku saabsan Dacwadda ay Dowladda Soomaaliya Kenya ka gudbisay iyo Boobka ay Kenya boobtay Badda Soomaaliya, isagoo qiray in Kenya ay calaameysatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, ayna dooneyso inay goosato, waxaana uu xusay in taas ay dacwad ka gudbiyeen, isagoo sheegay in haatan ay socoto howlo shirkado shisheeye ay sahmin ugu sameynayaan qeybta badda ee ay Kenya calaameysatay..

HADDABA MAXAA KAA BAXAY JAWAABAHA MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH?.

1) Madaxweynuhu wuxuu qiray in Kenya ay Badda Soomaaliya boobtay islamarkaana ay Shidaal baaris si iskeed ah uga billowday Badda ay Soomaaliya ka boobtay, Waana nasiibdarro in Dadkii Soomaaliyeed ee fadhiyey Hoolka Su’aalaha lagu weeydiinayey madaxweynaha laga waayey Qof ku dhiirada Madaxweynaha oo weeydiiya Hadalkii uu Bil kahor Warbaahinta siiyey ee uu ku inkiray Boobka Kenya, uuna ku marin habaabinayey shacabka Soomaaliyeed, Isagoo yiri:- “Ma jirto cid Soomaaliya uu muran kala dhexeeyo Soomaaliyana dhul ka maqan oo ay sheeganeyso ma jirto ciddii dacwo Soomaaliya u qabta ha dacwooto”. Hadalkaas oo uu Madaxweynuhu ka sheegay warbaahinta Nasiib wanaag wuu duuban yahay ee maxaa wax looga weeydiin waayey?.

2) Wuxuu kaloo Madaxweynuhu uu ku dhiiran waayey in uu dhaleeceeyo Kifsiga Ciidamada AMISOM lagu eedeeyay isagoo ku gaabsaday waa la baarayaa waana ceeb iyo fadeexad laga yaq-yaqsoodo in Madaxweynuhu uu ku gaabsado waa la baarayaa oo uu xitaa ugu dhiiran waayey in uu fursaddan uga faa’iideysto dhaleeceynta xadgudubyada baahsan ee AMISOM lagu soo caddeeyay oo qaarkood ay ka mid yihiin Baabuurtooda dagaalka oo ay jiirsiiyaan Shacabka dabadeedna ka dhaqaaqaan.

3) Xassan Sheekh wuxuu muujiyey Daciifnimo saa’id ah iyo Qiibrad la’aan weyn oo ka haysata maareynta Caqabadaha baaxadda weyn ee hortaagan Soomaaliya in ay noqoto dowlad Madax-bannaan oo sal leh, Isagoo Maamul-Beeleedyada mar wax laga weeydiiyey sheegay in aan cidna la qasbeynin balse lala hadlayo oo wax walba wadahadal lagu dhameynayo, Taasoo muujineysa in aaney jirin dowlad dhexe oo meteli karta Madax-Bannaanida iyo Midnimada Ummadda Soomaliyeed.

4) Su’ashii ku saabsaneyd Musharraxnimadiisa 2016ka, Runtii waan ku qoslay in iyadoo ku dhawaad 2 Sano ay ka hartay Xilligaas ayna dhici karaan wax walba labadaas sano gudahood uu Xassan Sheekh garan waayo in Su’aashaas uu dhinac isaga leexiyo oo uu ku gaabsado “Markii la gaaro Xilligaas ayaan ka jawabayaa”, Waxay taasi muujineysaa in Xassan Sheekh aysan u billowneyn Amuuraha Siyaasadda, Inkastoo ay jiraan waxyaabo kale oo uu ku fiican yahay, sida Macallinnimada Maaddooyinka uu bartay, Iyo sida Aadaabta leh ee uu dadka u qaddariyo marka uu la hadlayo.

 

bye Mad Keerow