AHEEY WEY IYO CIIL: TOLOW YAA COLKA LOO ABAABULAYAA

1
121

aweysAllaha xaqa lagu caabudo ayaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayay u sugnaatay, qofkuu hannuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Akhristow, waan baqayaa, murug baa ila soo deristay, arrin welwel igu abuuray baa arladii laga soo sheegayaa. Kolkaan ugu liito bal aan qalinka ugu hiiliyo maatida mar walba dhibanaha ah.

Balaayo madax la qabto ayay leedahay minjo la qabto ma leh.

Ku dhowaad rubuc qarni ayay Soomalidu ku jirtaa dagaalo sokeeye oo aan dhamaad iyo ujeedo lahayn. Dhibkaas dhacay masiibadiisa ugu weyn wuxuu ku dhacay dadka Soomaliyeed ee ku nool Koonfur Galbeed ee Soomaliya gaar ahaan Gobolada Bay iyo Bakool. Waxaan joog u noqday in magaaladii xudunteyda ku duugneyd loogu magac daro “The City of Death”, ereygaas waa bar madow oo qalbigeyga ku taal.

Tusaale (Qiso dhab ah oo aniga igu dhacaday): Anigoo ka dagay Airport Heathrow ee London kolkii aan  Passportkeyga Australian-ka ah u dhiibay officer-kii immigrationka markuu kala furay oo uu arkay inay iigu qoran tahay “Baidoa” meesha aan ku dhashay (Place of Birth) intuu isoo eegay ayuu cod naxariis ka muuqato iigu yiri “You’re lucky you made alive from the City of Death” oo macnaheedu yahay waad nasiib badan tahay haddii aad ka nooshahay magaaladii dhimashada. Akhristow waad garan kartaa xanuunka ay leedahay marka meeshii aad ku dhalatay sidaa loo tilmaamo.

Halgankii loo galay in laga xoreeyo magaaladaas Baydhabo dadkii ku soo duulay oo u diiday reer Baydhabo nolosha, dad baa u dhintay, dumar badan baa assay u qaaday, carruur badan baa agoon ku noqotay.

AHEEY WEY IYO CIIL, gulufka colaadeed ee maanta rag u heelan yihiin ka fiirsasho ayuu leeyahay. Siyaasadaha is-diidan ee ka taagan Arladii waxay u baahan tahay in rag iyo dumar, caruur iyo caroole, culumo iyo caamo loo istaago sidii loo joojin lahaa dhiig dambe inuu daado weliba ka dhex daado dadkii shalay halganka kuwada jiray oo hawdka injirtu ku gashay si ay u difaacaan dhulkoodii iyo dadkoodii.

Xusuus: Jabhaddii SNM markii ay dhulkoodii ka xoreysteen taliskii Siyaad Barre ayay hubkii isu qaateen oo dagaal lagu hoobtay halkaas ka dhacay. Abwaan Gaariye (Allaha u naxariisto) oo ka mid ahaa raggii soo jabhadeeyay ayaa 30kii,April,1992 wuxuu ku soo noqday dhulkiisii hooyo isagoo is leh Alleylehe cadowgii waad iska xoreyseen, mise wuxuu u yimid dadkiisa oo isku garaacaya hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuu maalinkaa tiriyey gabaygii caan baxay ee ERGO. Haddaan in yar ka soo qaato gabaygiisa oo ku aadan arrinka maanta ka taagan Baydhabo waxaa ka mid ah:

Waxaan ahay nin arkaya -maanka laaga Ogsooniyo asaraarta dhex yaala – isha laacu u Muuqdo waxaan ahay nin arkaaya- umadayda Tasowday ee usha loo qaban waayey- ee aniga Iga bilow oo abwaankeedu ka seexday- wax Aqoonkii tabaysa afweynoo laga reeyana- Ujeedaa uga dambeysay.

Waxaan ahay nin arkaaya- mar kastoo ayax guuro In uu eel ka tagaayo- walibana aad uga sii xumoo Libinteyda af-duuba.

Waxaan ahay nin arkaaya ayaankaygii shi’ dhaafay

Markii loo injireystay -oo madow daba-keeniyo

Isagoo ducanayaa dirqiga- weysha ku ooftayoo

Idinkoo qof maqnaynoo- indhihiinu shan yihiin

Mar labaad ambanaaya.

Waxaan ahay nin arkaaya- ulajeedo habowday

Ididiilo hungowday -ooda geel laga qaadayoo

Hal taal gundihiisa -ayaanlow naxdin joogta

Aayatiinkaba saaran -Aheey way iyo ciil

Umalkeyga hiqdeyda – calool oyga nafteyda

Ilmada iga da’aysiyo- imtixaanka i haysta.

Ma dhulkaa i ashkateeyey -ma cirkaa iga ajooday

Ma badaa igu ugaajay -ma abdaanan lahayn

Ma dab baan isku ogaa – anigu aan isku daaray

Islaantii curadkeeda -kolkay Eydu cunaysay

Ax doraad odhan weyday- markii ay arki weyday

Wax guda oy ku ilowdo- noloshii inankeeda

Inay maanta u oydo- inteeday ku sugaysay

Oori weerku ku raagayoo -geeridii odeygeedu

Afaafkay ku banaysay- ninkii owdi lahaa

Isagii fadhataystey -yaan u eersa nidhaa

Ninkii aarsa yiqiinay -haduu aarsaday maanta

Uu-fanayskiina guuray- iyana waa iga su’aale

Tolow yaa colka eega -loo abaabulayaa?

Tolow yaa ilma dayday -ulmadeydii u loogayoo

Ilma dowgii ka reystay -Yaa u aana ah maanta

Udunteyda halowday -eebadayda ku fiiqan

Ayaantay kululaato -kaan u eeran lahaa

Yaa u aana ah maanta.

Birta layska as-laayiyo -galkey siibtay ableydu

Yaa u aana ah maanta- mar labaad ubadkeena

Sidii Ey la guhaadshay- in ilkaha lagu qaado Unugtii shaleytoole- isku meesha u jeeday Iminka yaa iska hor jeedshay.

Laba oorya walaaliyo- ilmaadeer is maquunsha

lama sheegin aduunkee -marka aan ugu liito

Mar aan eeda sokeeyiyo- ilmahayga ku waayo

Mar aan aayo la’aanta -seedigay ugu aaro oo

Walaashay asay qaado -mar haday aqalkayga

Haddi layga adkadiyo- hadaan raystey idhahdaba

Mar lay oohin u tahay -bal maxaan istafiiday?

Afartii garjahoodba hadaan- soo wada ooday

Xageen geela irmaaniyo- markey beeshu haraado

u aroorinayaa?

Sow anigu gacmahayga -kuma dheebin ishii

Berri loo irkan lahaa -wixii aan ku if waayey

Kuna aakhiro seegay -durba sow ma ilaawin

Ubaxaan xinjirteydiyo -ka ab-qaalay jidhkeyga

Kolkii aan is awaaday -udaabteys iyo ciil iyo

Odax sow kama goosan.

Haduu geedkii abaaday- markuu oomaba

Ubadka dhiiga looga shubaayey- sow ataar li’i maaha.

 

Gadhlow awr kala guurtey- la arkee mar kaleeto

In ay ood ku kulmaana -haduu uur kala guuro

Sow amuur culus maaha -ololihii halgankeena

Cuf u soo wada guulka -dhib waxaan u adkeystay

Waxaan is-lahaa mar uun baad arligaagiyo

Iyadoon faqash joogin-kula iidi dadkaadee

Kolkii waagu iftiimay- sidaan ahay Ina dhoore

Usarkaan ka dhex toosay -indha u daranaa

Marka duul asal guuro- in Ilaah ka biyeeyo

Dadkoo yaala abaar -haduu roob iba dooxmay

Ku bashiisho agteyda- intaan soo ordayaabaa

Darku sii engegaa -Abuur baan ku tabcaa

Irfidaan geliyaa- iniin baan ku ridaa

Udan bay bixisaa -gooso baan is-idhaa

waa la ii arfacaa.

 Abley baan ramiyaa -afeeyaa shirabaa

Adhaxdaan is jaraa -oogso baan is-idhaa

afweyntaan u dhacaa.

Akhristow waxaa aad iyo aad ii dhibeyso in dagaal sokeeyo ka dhaco Baydhabo, waxaad aad ii dhibeyso in Agoontu ku badato Baydhabo.

Labo Xasan waa naga dhinteena Xasanyaal badan yeysan naga dhiman (Malaaq Cabdi Garuun- AUN)

Waxaan reabaa inaan hal mid XUSUUSIYO garbaha isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed Soomaliya inaad hal cadow leedihiin. Idinkaa la isku kiin lafo jebinayaa hadhowna inta hartay qori caaradii baa loogu talinayaa.

Caqligu ha shaqeeyo, waxaad leedihiin taariikh fog oo ku dhisan nabad iyo deris wanaag,  walaaltinimo, FADLAN yaanu cadowga idinka faaideysan.

Walaalaheyga website-yada ku soo qoro hadalada xanafta leh ee banziinka ku shubaya dabka waxaan leeyahay:

  1. Af-xumo nabad waa kaa kaxeysaa colaadna waxba kaagama tarto.
  2. Arrad waa dan USKAGSE waa doqonnimo.

 

Afeef: Qoraalkeygu cidna si gaar ah uma durayo, waxaanse u hiilinayaa haweenka, carruurta, waayeelka iyo dhallinyarada aafada dagaalku saameyn doonto.

(Wax maantu fartu gaarto oon beri faras gaari karin baa jira ee hala feejignaado)

 

Walaalkiin

Dr Aweys Cabdi Jidle

Perth, Australia

ciyaalbaydhabo@gmail.com

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Aweys abdi adiga ma labeyn mana dhidigeyn ee sadex dabeecada ka mid ma aha.

Comments are closed.