FARIIN KU SOCOTA DHALINTII KU SOO BARBAARTEY XARUNTII XANAANADA AGOONTA BOONKAAY EE DEGMADA BAYDHABO-JANAAY

0
29

baydhabooBonkaay Orphanage waxaa ay ahayd Xaruun Dowladii Madaxweyne Siyaad Barre ku dhistey Degmada Baydhabo waxaana ay kaga taala dhinaca waqooyi ,waxayna Magalada u jirtaa 5km.

Bonkaay waxaa lagu soo barbaariyey kumanaan caruur agoon ah oo isagu jirey wiilal iyo Gabdho kuwaaso laga kala keeney dhamaan 18ka Gobo lee Somalia ay ka koobneyd .

Hadaba dhalintaasi waxaa ay ka mid ahayeen Ciyaal baydhabo,waxaa ay ka qayb qaadan jireen Tartamada Isportska,Fanka iwm.

Dhalinta Boonkaay waxaa cunadooda, cafimaadkooda iyo Arad baxoodaba laga bixin jirey Degmada Baydhabo .

Hadaba Degmada Baydhabo lacago Dowlada dhexe uga imanaysey ma aanay baahida Boonkey ku dabooli jirin ee waxaa ay ku dabooli jirtey Canshuuraadka laga qaado Reer baydhabo sida badarkii ADC qof kastoo beeraley ah Takuleyntaasi ku waajibtey labada xili ee beeraha la gooyo.

Hadaba fariintani oo ka timid Naadiga ku walaalowey in Baydhabadii waxku soo barteen,kusoo barbaareen iney abaalkeeda u gudaan intii karaanooda ah ,Naadiga mahan Siyaasad iyo Qabiil mid ku dhisan ee waa isfarida wanaaga iyo wax uqabashada inta taagta daran.

Naadiga Beyazaniyiinta Baydhabo oo marka lasoo gaabiyo magaciisu yahay NBB  waxaa uu walaalahooda Ciyaal Boonkaay u shegayaan in Agoon qof u gargaara haysan murugada agoonka/taasi ku nool yahay aan la qiyaasi Karin weliba idinka ayaa xanuunkeeda wax ka soo arkey inkastoo aanu xiligaasi Somalia Dowlad ka jirtey.

Hadaba walaalayaal waxaanu idinka codsanaynaa in Aabayashii xiligaad Agoonta ahaydeen Canshuurta ay bixiyeen aad idinkuna la idinku soo barbaariyey ayaa maanta Caruurtoodu Agoon ay yihiin,waxaa la yiraahda Geed Maalin aad hegeshey ayaa abaal kugu leh .

Waxaanu idinku boorineynaa in Mashruuc loogu magacdarey BADBAADI AGOONA SI UU U BADBAADIYO AGOONTA BERI inaad qayb weyn aad a qaadataan idinkoo eegaya Baniaadamnimo,Somalinimo iyo Ciyaal-Baydhabanimo .

Waxaan kaloo idinla socodsineynaa inaad wixii tallo ah kala xiriirtaan Xiriiriyaha Guud ee NBB Dr.Aweys Cabdi Cumar  ciyaalbaydhabo@gmail.com

Ugu danbeyn waxaanu idinka rajeyneynaa inaad dib u aas aastaan Bonkaay orphanage oo ay noqoto agoontii hore ayaa agoonta maanta badbaadisey.

Wakiilka NBB-Baidoa Bashiir Maxamed Aden  ilbiyowbay@gmail.com