Wafdi ka Socda Xukuumada Federalka oo Maanta Booqdey Degmada Buula Burde

0
68

bula burdeWafdi ballaraan oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ahna wasiirrka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada ayaa siddoo kale waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda , Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, danjiraha dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Degmada waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil AMISOM ka tirsan iyo dadweyne ka kala yimid xaafaddaha degmadaasi ka kooban tahay, kuwaasoo si weyn ugu faraxsanaa booqashada mas’uuliyiinta dowladda iyo gargaarka degmada la gaarsiiyay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Max’ed oo hadal jeediyay ayaa sheegay in ay ka war qabaan howlgalada ay ku jiraan ciidamada dowladda, isagoo intaa ku daray in degmada Buula-burte ay ka mid tahay deegaannada dadweynaha ku dhaqan ay dhibaateeyeen Al-shabaab kaddib markii sida uu hadalka u dhigay ay go’doomiyeen.

 
Daafeet.Com