Dhegayso..Shaam”Shacabkii waxa Bililiqaysanaya Ciidamo beeleedka Dowlada”

0
25

saam

 

 

 

 

 

 

 

Ayadoo ciidamada reer Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM ay ku howlan yihiin sidii ay shacabka gobolada dalka ay uga xorayn lahaayeen cabsida Shabaab ayaa waxaa dhanka kale jira in Ciidamo beeleed kasoo jeeda beesha Hawiye ay dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh ku soo daabushay gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidamo beeleedkan Hawiye ee huwan magaca ciidamada Qaranka ayaa waxay dadka gobolka shabeelaha hoose degan kula kacaan falal isugu jira Dil.Kufsi iyo Dhac baahsan iyadoo ay dowlada fedraalkuna ay kaga raali tahay falkaasi ay Mooryaanta Hawiye kula kacayaan Shacabka Gobolka Shabeelaha hoose.

Waxaana labadii maalmood ee lasoo dhaafay Bililiqo xoog leh ay Maleeshiyada Hawiye ka gaysteen Buula Mareer iyo Golweyn.

Waaka Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed(Shaam) oo inooga hadlaya sida ay u dhacayaan falalkan argagaxa leh ee ka dhacaya gobolka Shabeelaha hooseUnknown Album